Thursday, November 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kenyatta : AMISOM 2018 waa ay ka bixi doontaa Soomaaliya

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Kenyatta : AMISOM 2018 waa ay ka bixi doontaa Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kenya iyo dowladaha kale ee bariga Afrika ayaa bilaabi doona in ay ciidankooda kala baxaan Soomaaliya sanadka 2018 maadaama xaaladda amni ee Soomaaliya ay soo hagaagtay, sidaa waxaa xoghayaha arimaha dibadda  dalka Mareykanka u sheegay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta .

War qoraal ah oo laga soo saaray xarunta madaxtooyada dalka Kenya ayaa madaxweyne Kenyatta waxaa uu ku sheegay in Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa midowga Afrika ayaa waxaa ay horumar balaaran ka sameeyay dagaalka ay kula jiraan kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab, isla markaana loo baahan yahay in si tartiib tartiib ah ay loo bilaabo soo afjarida howlgalka AMISOM lana xoojiyo dhismaha hey’adaha dowliga ah gaar ahaan ciidamada qaranka Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

November 6, 2025

Howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa uu ka kooban yahay wadamada Burundi, Uganda, Kenya, Ethiopia, iyo kuwo kale oo gudaha dalka kula dagaalamaya kooxda Al-shabaab kuwaas oo doonaya in ay wadanka ku qabsadaan qori aaradii ayagoo magac diin isticmaalaya isla markaana baabi’inaya dadka Soomaaliyeed.

Xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Mareykanka John Kerry ayaa shalay magaalada Nairobi kula kulmay madaxweynaha dalka Kenya iyo wasiirada arimaha dalalka bariga Afrika isagoo kala hadlay xaaladaha dalalka Soomaaliya iyo Suudaanta koofureed.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya mudane C/salaam Hadliye Cumar oo la kulmay dhigiisa dalka Mareykanka ayaa waxaa uu sheegay in arimaha ugu waa weynaa oo ay ka wada hadleen ay kamid aheyd xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab iyo arimaha doorashooyinka ee Soomaaliya lagu wado in ay ka qabsoonto bisha soo socota ee October.

 

Mudane C/salaam Hadliye Cumar  wasiirka arimaha dibadda iyo dhiirigelinta maalgashiga Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in John Kerry uu madaxda Soomaalida ku booriyay in ay waqtigii loo qabtay doorashada aysan ka dib dhicin.

 

Previous Post

John Kerry: Soomaaliya Waxa Ay Samaysay Horumar Aan La Qiyaasi Karin-SAWIRRO

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhaxal sugaha Imaaradda Abu Dhabi

Next Post
Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhaxal sugaha Imaaradda Abu Dhabi

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhaxal sugaha Imaaradda Abu Dhabi

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

November 6, 2025
0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan xasilinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka, Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa maanta...

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

November 5, 2025
0

Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy, ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ukraine,...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

November 5, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daahfuray Barnaamijka Ilaalinta iyo Daryeelka Bulshada, oo ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In