Thursday, December 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhalinyarada  dalalka Islaamka oo taagaareya Turkiga

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Dhalinyarada  dalalka Islaamka oo taagaareya Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir caalamiga ah oo ay isugu yimaadeen dhalinyo ka kala socota wadamada caalamka islaamka ayaa lagu qabtay dalka Turkiga, kaas oo u jeedkiisu ahaa taageeridda dimoqraadiyada Turkiga.

Kulanka oo ahaa kii ugu horeeyay oo ay isugu yimaadaan dhalinyarada wadamada muslimka ah ayaa loo bixiyay madasha iskaashiga iyo wadahadalka ee dhalinyarada Islaamka ayaa lagaga dhawaaqay dalkaas si loo muujiyo garab istaaga Turkiga.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025

Ku dhowaad  300 oo dhalinyaro ah oo ka kala socota 56 wadan oo ku jira ururka iskaashiga islaamka ayaa lagu qabtay magaalo xeeboodka Antalya, waxaana shirkan soo qaban qaabiyay garabka dhalinyarada ururka OIC oo kaashanaya wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha ee dalka Turkiga.

“Waxaan casuumaad u fidinay hogaamiyeyaal iyo madaxda hey’adaha islaamka dalalka caalamka islaamka si loo muujiyo isku duubnaan iyo garab istaaga Turkiga, iyadoo loo marayo wadiiqooyin kala duwan sida warbaahinta iyo baraha bulshada ay ku xiriirto,”.

“Anaga, waxaanahay muwaadiniinta wadamada ururka OIC,waxaan ka soo horjeednaa isku daygii afgambi ee dhiiga ku daatay ee Turkiga ka dhacay 15 bishii Luulyo, 2016, iyo ficil kasta oo carqaladeynaayo dowladda iyo shacabka Turkiga,”  sidaa waxaa sheegay qaban qaabiyaasha shirka.

Munaasabadii xiritaanka shirka ayaa Elshad Isgandarov, oo ah madaxa  madasha iskaashiga iyo wadahadalka dhalinyarada wadamada islaamka oo loo soo qaabiyo ICYF-DC, ayaa dhankiisa sheegay in shirkan uu astaan u yahay sida ay diyaar ugu yihiin dhalinyarada muslimka ah garab istaaga walaalahooda Turkiga ah.

Ugu dambeyntii dhalinyarada shirka ka soo qeybgashay ayaa sameeyay bar ama madal laga dhex sameeyay baraha bulshada taas oo loo bixiyya #YouthWithTurkey – waxayna gaartay todobo milyan oo ruux kuwaas oo isticmaalaya warbaahinta bulshada si ay ugu caawiyaan Turkiga xaqiijinta dimoqraadiyada.

 

Previous Post

Khasaarihii ka dhashay dhul-gariirkii Talyaaniga oo kordhay-Sawirro

Next Post

Wuxuu ku jiiftay dharkii shaqada xakiisa ayaa Booliska ku dacaysay

Next Post
Wuxuu ku jiiftay dharkii shaqada xakiisa ayaa Booliska ku dacaysay

Wuxuu ku jiiftay dharkii shaqada xakiisa ayaa Booliska ku dacaysay

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka digay xaalad adag oo ka jirta guud ahaan dhulka...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025
0

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa shaaciyay in ay soo...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

December 24, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa kormeer shaqo ku gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool, gaar...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

December 24, 2025
0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In