Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Khartoum kula kulmay Gudoomiyaha Jaamacadda Afrika.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Khartoum kula kulmay Gudoomiyaha Jaamacadda Afrika.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi oo uu hor kacayo wasiirka Arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Odowaa oo habeenimadii xalay ahayd gaaraydalka Suudaan ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika Gudoomiyaha jaamacadaasi.

Kulankaas oo ay goob joog ka ahaayeen Safiirka Soomaaliya ee Suudaan Maxamed Cabdulaahi Ugaas ayaa waxaa looga hadlay xariirka labada dowladood iyo arrimo quseeya dhanka waxbarashada iyo heerka ay gaarsiisan tahay.

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025

Wasiir Odowaa oo ahaa ardaydii ka aflaxday Jaamacadaas ayaa aad ugu mahadnaqay Maamulka Jaamacadda, Dowladda iyo shacabka Suudaan intaba sida ay u garab istaageen da’yartii Soomaaliyeed ee waayay waxbarasho ay ku helaan gudaha dalkooda kadibna usoo huleelay in ay waxbarasho u soo raadsadeen walaalahood Suudaan.

Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa sheegay in ay jireen arday badan oo dhibaato usoo marey in ay Suudaan soo gaaraan si ay waxbarasho u helaan oo ay kasoo waayeen wadamo badan oo daris ah lkn ay suudaan ka heleen.

Wasiirka ayaa sidoo kale aad ugu mahadnaqay Maamulka Jaamacadda Afrika in ay kasoo qayb galeen shirkii Tacliinta sare oo ay qabatay Jaamacadda Umadda kaasoo ka dhacay magaalada muqdisho bilowgii bishan.

Dhankiisa Gudoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika Prof: Kamaal Cubayd ayaa isagana u mahad celiyay booqashada uu wasiirka soo booqday Jaamacadda Afrika isagoo sheegay in tacliinta Soomaaliya ay aad u wanaagsan tahay xiligan.

Waxa uuna sheegay in Jaamacadda Afrika ay doonayso in xariir la yeelato Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay dhawaan qorsheenayaan in ay kala saxiixdaan hishiisyo dhinacyo badan ah.

Wafdiga uu horkacayo Wasiir Odowaa ayaa lagu wadaa in kulamo la qaato madax dowladda Suudaan ka tirsan maalmaha soo socdo.

IMG_20160824_135202 IMG_20160824_135256 IMG_20160824_135243 IMG_20160824_135226 IMG_20160824_135217 IMG_20160824_135151

Previous Post

Wuxuu ku jiiftay dharkii shaqada xakiisa ayaa Booliska ku dacaysay

Next Post

Guddoomiyaha Bankiga dhexe oo xaqiijiyay in $530,000 laga xaday Bankiga

Next Post
Guddoomiyaha Bankiga dhexe oo xaqiijiyay in $530,000 laga xaday Bankiga

Guddoomiyaha Bankiga dhexe oo xaqiijiyay in $530,000 laga xaday Bankiga

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In