Saturday, September 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka iskaashiga Afrika iyo Japan oo maanta ka furmaya Nairobi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 27, 2016
in Wararka
0
Shirka iskaashiga Afrika iyo Japan oo maanta ka furmaya Nairobi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Nairobi waxaa maanta ka furmaya shir madaxeed u dhexeeya dalalka Afrika iyo dowladda Japan kaasoo loo yaqaano TICAD.

Dowladda Japan ayaa shirkii ugu horeeyay ee TICAD waxay ku qabatey magaalada Tokyo, sannadkii 1993-kii, waxaana ujeeddadiisu ay ahayd kobcinta horumarka Afrika, nabadda iyo amniga, iyadoo diiradda la saarayo xoojinta xiriirka labada dhinac, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga.

Related posts

Xildhibaanno iyo xubno ka socda Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo booqday ciidamadii kusoo dhaawacmay Ceeldheer

Xildhibaanno iyo xubno ka socda Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo booqday ciidamadii kusoo dhaawacmay Ceeldheer

September 13, 2025
Madaxweynaha Galmudug oo geesiyaasha Qaranka u hambalyeeyay

Madaxweynaha Galmudug oo geesiyaasha Qaranka u hambalyeeyay

September 13, 2025

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalaya dhammaan madaxda Afrika iyo Japan, waxaana labada maalmood ee uu socdo diiradda lagu saari doonaa maalgashiga Afrika, fursadaha ganacsi ee labada dhinac dhexmaraya iyo ka faa’ideysiga kheyraadka labada dhinac.

Soomaaliya ayaa horey uga qeybgashey shirkii TICAD ee 2013-kii, waxaana sannadkan la filayaa in Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdigiisa ay kulamo gaar ah la yeeshaan madaxda Japan iyo kuwa kale ee qaaradda Afrika ka socda.

Waa markii ugu horeysay ee shirkan lagu qabto qaaradda Afrika, iyadoo shirkii kan ka horeeyay ee ka dhacay magaalada Tokyo lagu heshiiyey in shir madaxeedka TICAD martigelintiisa ay is weydaarsadaan dalalka Afrika iyo Japan.

Dalka Japan ayaa ka mid ah dalalka iskaashiga dhow la leh qaaradda Afrika, waxaana uu dhowaanahan xoojiyey xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya qaaradda.

Previous Post

Masar oo sheegtay iney Soomaaliya ka taageereeyso sugidda amniga

Next Post

Dowladda Turkiga oo sheegtay iney jawaab ka bixindoonto weerar ka dhacay magaalada Cizre

Next Post
Dowladda Turkiga oo sheegtay iney jawaab ka bixindoonto weerar ka dhacay  magaalada Cizre

Dowladda Turkiga oo sheegtay iney jawaab ka bixindoonto weerar ka dhacay magaalada Cizre

Xildhibaanno iyo xubno ka socda Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo booqday ciidamadii kusoo dhaawacmay Ceeldheer

Xildhibaanno iyo xubno ka socda Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo booqday ciidamadii kusoo dhaawacmay Ceeldheer

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Xildhibaanno ka tirsan BFS, iyo xubno ka kale socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee barnaamijka "Hooyo U Hiilli Qarankaaga"...

Madaxweynaha Galmudug oo geesiyaasha Qaranka u hambalyeeyay

Madaxweynaha Galmudug oo geesiyaasha Qaranka u hambalyeeyay

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO(DHUUSAMAREEB):  Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku bogaadiyay, Ciidanka Qaranka iyo halyeeyada deegaanka guushii taariikhiga...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo xaqiijiyey tirada Khawaarijta ee lagu dilay dagaalkii Ceeldheer

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo xaqiijiyey tirada Khawaarijta ee lagu dilay dagaalkii Ceeldheer

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay, in Khawaarijta jab xooggan lagu gaarsiiyay degmada Ceeldheer ee...

Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari oo kulan la qaatay Guddoomiyaha SoDMA

Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari oo kulan la qaatay Guddoomiyaha SoDMA

September 12, 2025
0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dolwad goboleedka Waqooyi Bari, Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, ayaa duleedka magaalada Laascaanood kulan is xogwareysi ah kula yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In