Gudoomiyaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa kormeeray xerooyin ay ku noolyihiin qoysas barakacayaal ah isagoo u kuurgalay xaaladooda nololeed.
Qooysaskaan oo ka kooban 35 kun o qoys kana soo barakacay qeybo ka mid ah gobollada dalka iyo xerooyinka Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa waxaa Haysta dhibaabooyin la xiriira dhanacyada caafimaadka Waxbarashada, hooy La’aan iyo biya la’aan. Kuwaasoo ku nool Guryo ka samaysan Baco iyo Cooshado, islamarkaana an gabbaad iga noqon karin milicda, dhibicda roobka iyo dhaxanta habeenkii.
Ma Jirto Wax Gargaar ah oo La Soo Gaarsiiyay barkacayaashaan Marka Laga Reebo Deeq hilib Udxiyo ah oo ay wasaaradda arrimaha gudaha soo gaarsiisay danyartaasi.
Gudoomiyaha Degamada Kaxda ee gobolka Banaadir Maxamad Ismaaciil Cabdulaahi ayaa kormiirkiisa kaddib ka dalbaday Dawlada Soomaaliya iyo Hay’ada Deeqaha Bixiya inay gaar gaar Bini’aadanimo soo Gaarsiiyaan qooysaskaan, isagoo Intaa Ku daray in Noloshoodu ay aad u hoosayso ayna La Daalaa dhacayaan Dhibaatooyin Kala Duwan oo Dhanka Nolosha ah.
Degmooyinka Kaxda iyo Dayniile ayaa Martigaliyay Qoxootigii ugu Badnaa sida lagu sheegay Warbixin ay soo saartay dhawaan Qaramada Midoobay kuwaas oo iyagu kasoo barakacay qeybo ka mid ah Gobolada dalka sandkii 2015 sababo la xiriira adeeg yari iyo xadgudyo dhanka xuquuqul’ insaanka ah waxayna tiradooda kor u dhaafaysaa 120 kun oo qof.