Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa magacaabay guddiga xallinta khilaafaadka ee doorashada 2016.
Guddigan ayaa ka kooban 25-Xubnood , waxaana loogu tala galay in ay xaliyaan khilaafaadka ka dhasha doorashooyinka dhawaan la filayo in ay dalka ka dhacaan.