Monday, July 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wakiilka Soomaaliya: ICJ ha Diiddo diidmada Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 24, 2016
in Wararka
0
Wakiilka Soomaaliya: ICJ ha Diiddo diidmada Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shalay oo Jimco ah waxaa la soo gebagebeeyay dhegeysiga Diidmada Hordhaca ah ee Kenya ay uga soo horjeeddu furitaanka Dacwadda Kenya ka dhanka ah ee ay Soomaaliya u soo gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee magaaladan Hague.

Soomaaliya ayaa shalay oo Jimco ah bixisay jawaabteeda kama dambeysta ah. Waxaa hadlay saddex qareen oo hadalladoodu ay is kaabayeen iyo Dr. Mona Sharmaan oo soo gunaanadday codsiga Soomaaliya ay u soo jeedineyso Maxkamadda.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Masar

July 6, 2025
Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

July 6, 2025

Qareennada Soomaaliya

Waxaa hadalka furay Prof. Pellet asaga oo ka jawaabaya Qareennada Kenya sida ay u fasireen MoU caanka noqotay ee 2009 ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya.

Prof. Pellet wuxuu ku tilmaamay in qareennada Kenya ay MoU 2009 ka yeersiinayaan wax aan ku qorneyn. Waana xadgudub ay Maxkamadda ku sameyneyaan, ayuu yiri, in ay isku dayaan in qoraal hor yaalla uga sheegaan wax aan ku qornayn.

Waxaa xigay Paul Reichler oo qareennada Kenya hadalkooda marka la qoray sadarrada inta u dhexeysa aad u akhriyay. Wuxuu hadallada Qareennada Kenya ka baadi goobay, ka soo saaray, Maxkamaddana la wadaagay waxyaabo iska hor imaanaya. Dhowr tusaale ayuu soo qaatay.

Waxaa kale oo uu soo sheegay hadalladii uu isagu Maxkamadda ka jeediyay wareeggii koowaad in ay Qareennada Kenya hadda aqbaleen ama ugu yaraan aanay wax ka hor imaaneysa aanay bixin sidaa darteedna looga talo geli karo in ay sidooda u aqbaleen.

Wuxuu taxay toban qodob oo qaanuuniyan muhiim ah oo uu sheegay in uu ku jeediyay jawaabtiisii wareegga koowaad. Taas oo Kenya ay fursad u heysatay in ay riddiso markii ay sameyneysay soo jeedinteedii wareegga labaad. Mid ka mid ah tobankaa qodob oo ay diideen ma jiro. Keliya qodob kooban oo ay muran geliyeen iyadana uu ka jawaabay oo qaanuuniyan fasiraaddiisu ay dheer tahay ayaa jiray.

Qodobbada wuxuu ka soo xigtay emaillo, dokumentiyo, fasiraado  iyo jawaabo ay xilliyo kala duwan bixiyeen Norway oo qortay MoU-da, Kenya iyo Soomaaliya. Dhammaantood waxay tilmaamayeen in MoU 2009 ay ku saabsan tahay keliya in labada dal aan midna waxba ka qaban in kan kale uu Guddiga Qarammada Midoobay ee CLCS u gudbiyo soohdintiisa qalfoofta qaaradeedka. Tusaaleyaashaas oo dhan meelna ugama xusna ayuu yiri in ay MoU 2009 ay tahay in iyada loo raaco habka xallinta khilaafka soohdin badeedda.

Wadahadallada dhex maray labada dal oo Qareennada Kenya ay ku tilmaameen in ay ahaayeen heer farsamo oo billow ah, wuxuu Paul Reichler sheegay in aanay xaqiiqadu sidaa ahayn. Wuxuu sheegay in labada Wasiir ee Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya ay ka qeyb galeen isla markaana ay aragtiyo ka dhiibteen. Dabcan waxaa uu Wasiir waliba u warbixinayay Hoggaamiyaha ugu sarreeya Dowladdiisa.

Professor Lowe oo Kenya u doodayay, ayaa hadda ka hor Maxkamadda wuxuu u sheegay in ay Soomaaliya dacwadda ku degdegtay laakiin meel la isugu keeni karay mowqifyada kala duwan ee labada dal. Wuxuuna sheegay in haddii ay Soomaaliya la noqotay in aan arrinkaan xal laga gaari karin aanay sidaa ku wargelin Kenya.

Reichler wuxuu yiri Kenya fasiraad kama bixin sababta ay u rumeysan tahay in xal la gaari karay. Waxa keliya oo Prof Lowe uu soo xigtay, ayuu yiri, dokumenti Dowladda Kenya ay hay’adaheedu isu direen 8 August 2014. Laakiin waxaa xusuus mudan in xilligaasi ahaa markii la diyaarinayay kulan la filayay in uu dhaco oo xal rajo la qabay.

Laakiin Kenya waxay ka baaqsatay in ay tagto Muqdisho oo uu ka dhici lahaa shirka xalka lagu goobi lahaa, iyada oo aan weliba fasiraad ka bixin.

Qaabka ay Kenya u dhaqantay iyada oo laga shaqeynayo arrin sidaa muhiim u ah oo ku saabsan heshiis soohdimeed, waxay muujineysaa in aanay ka tarjumeyn fasiraaddeeda Paragraph 6 ee MoU 2009 oo ay ku tilmaamayaan in uu yahay hannaanka loo raacayo xallinta khilaafka soohdinta.

Xataa inta dooddan Maxkamaddu ay socotay fasiraadaha ay Kenya ka bixisay paragraph 6 ee MoU 2009 dhowr jeer ayuu is beddelay, iyaga oo marba fasiraaddoodii ugu dambeysay ka sameynaya dib-u-gurasho xeel dood.

Waxaa xigay Prof Sands oo ku tilmaamay in xataa haddii Kenya loo raaco dooddeeda ah in MoU 2009 ay Soomaaliya khasab uga dhigeyso in ay wadahadal la gasho Kenya, ay Soomaaliya shuruuddaa fulisay.

Mona Sharmaan

Mona Sharmaan ayaa soo gunaanadday doodda Soomaaliya. Waxay kabahiisa gashatay oo ay qirtay hadalka uu yiri Garyaqaanka Kenya. Wuxuu ku tilmaamay ayay tiri in marka wadahadalka Kenya furmayo ay Soomaaliya markaa uun ay ka soo baxday sannado badan oo dagaal sokeeya, masiibooyin aadminnimo iyo falal argagixiso oo baahsan. Waa marka ay Kenya door bidday in ay wadahadal la furto Soomaaliya. Waa dhab ayay tiri. Weliba Soomaaliya waxay sida ay 2014 ahayd ka sii liidatay, ayay tiri, 2009 oo welibana ay Dowladdu ahayd mid cusub. Taas ayaana caddeyneysa in MoU 2009 aanay xammili karin miisaanka ay Kenya siineyso.

Maxay Soomaaliya u dooni kartay, ayay Maxkamadda weydiisay Mona, in ay lugaha la gasho xilli aan soohdinteeda la cayimin? Sharci aanay hor geyn karin si ay kheyraadka  ka maqan u hesho, iyada oo aan ognahay in Soomaaliya ay aad ugu tiirsan tahay kaalmo shisheeye?

Mona waxaa kale oo ay sheegtay in markii ay Kenya ka baaqsatay in ay Muqdisho timaaddo si loo qabto shirkii uu codsaday Wasiirkeeda Arrimaha DIbadda ee uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya uu aqbalay, aanay jirin wax fasiraad ah oo ay bixisay. Mona waxay intaa ku dartay in Soomaaliya ay u soo jeedisay Kenya in ay labada wafdi ku kulmaan dalka Djibouti, laakiin Kenya aanay taa ka soo jawaabin.

Mona waxay xustay in Kenya ay Maxkamadda ka sheegtay in tan iyo 1979 ay ka talineysay badda hadda uu muranku ku jiro. Waxay ku tilmaantay Mona in aan hadalkaasi ahayn wax khuseeya ama wax ku soo kordhinaya dacwadda ku saabsan cidda leh badda.

Laakiin sheegashadaas Kenya in ilaa 1979 ay iyadu maamulaneysay badda waxay fasireysaa sababta uu wadahadalku u burburay taas oo ah in Kenya ay aamminsan tahay in badda lagu muransan yahay ay iyadu leedahay waxna aanay ka maqnayn.

Haddana hadalka Kenya isaga ayaa is burniya ayay tiri Mona. Waxay soo qaadatay Prof. Akhavan oo arbacadii sheegay in Ciidanka Badda ee Kenya uu isaga oo qeyb ka ah ciidammada Midowga Afrika uu ilaaliyo baddaas, howshaas oo uu Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay u fasaxay.

Mona waxay tiri, haddiiba aan Kenya hadalkeeda run ka soo qaadno, inkasta oo Soomaaliya aanay sidaa qabin, sow ma ahan in ay badda ilaalineysay iyada oo ka tirsan ciidammada Midowga Afrika ee aanay ahayn bad ay iyadu leedahay?

Mar kale waxay xustay Mona sida ay Soomaaliya aad ugu qaddarineyso xiriirka qotada fog ee kala dhexeeya Kenya. Waxayna sheegty in Kenya walaaca amni ee ay qabto uu yahay mid Soomaaliya iyo adduunka oo dhami ay la wadaagaan.

Nafta ay Kenya u hurtay Soomaaliya, sidoo kale Uganda, Djibouti, Burundi iyo qaar kale ay u hureen Soomaaliya, ma ahan ayay tiri Mona, sabab Soomaaliya la isaga hortaagi karo xuquuqda qaanuunka caalamiga ah ay ku leedahay oo uu u oggolaanayo.

Mona waxay soo jeedisay codosigeeda ugu dambeeya.

Waxay Maxkamadda ICJ ka codsatay in ay diiddo, diidmada hordhaca ah ee Kenya oo ay gasho dacwadda Soomaaliya ay soo gudbisay ee ka dhanka ah Kenya.

W/Q: Yusuf Garaad Cumar

Previous Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post

Akhriso Magacyada Guddiga Xallinta khilaafaadka ee uu Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha XFS

Next Post
Akhriso Magacyada Guddiga Xallinta khilaafaadka ee uu Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha XFS

Akhriso Magacyada Guddiga Xallinta khilaafaadka ee uu Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha XFS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Masar

July 6, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

July 6, 2025
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Aadan Geesood, ayaa maanta safar ku tagay magaalada Laascaanood, xarunta...

Dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed oo la daah-furay

Dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed oo la daah-furay

July 6, 2025
0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wasiirka Caafimaadka XFS ayaa si rasmi ah u Daah-furay Dhismaha cusub...

Wasaaradda Qorsheynta XFS Oo Daahfutay Daraasaad Ku Saabsan Doorka Aqoonta iyo Xirfadaha

Wasaaradda Qorsheynta XFS Oo Daahfutay Daraasaad Ku Saabsan Doorka Aqoonta iyo Xirfadaha

July 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 06-JULY-2025- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Iyo Maalgashiga XFS Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax (Beene-Beene) ayaa maanta waxa uu  daahfuray daraasaad ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In