Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Madaxweynaha Galmudug iyo Taliyaha booliska Soomaaliyeed oo tababar u soo xiray ciidamo boolis ah “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug iyo Taliyaha booliska Soomaaliyeed oo tababar u soo xiray ciidamo boolis ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha maamulka Galmudug mudane C/kariin Xuseen Guuleed iyo taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Xasan Xaamud, ayaa magaalada Cadaado ee xarunta u ah maamulka Galmudug tababar ugu soo xiray ciidamo cusub oo ka tirsan Booliska Galmudug.

Ciidamadaan maanta tababbarka ay u soo xereen si wada jir ah Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamad Sheekh Xasan Xaamud iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ah dufcadi ugu horeeysay oo ciidamo booliska galmudug oo tira ahaan gaarayay 400 oo askari oo 60 kamid ah haween aay yihiin oo tababar uga soo baxo dugsiga tababbarka guuleed.

Related posts

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

October 12, 2025

Ciidamadaan oo ka mid noqonaya Booliska Galmudug ayaa muddo tababar uu uga socday Cadaado, waxaana ciidankaan loogu talo galay in ay ka qeyb galaan sugidda ammaanka deegaanada Galmudug, iyadoo munaasabad kooban oo lagu qabtay garoonka kubada cagta ay ciidamada madaxda hortooda ku soo bandhigeen gaada kacayaar muujinaya 3da bilood tababarkii ay soo qaaateen

Taliyaha Booliska Galmudug  Gaashaanle Sare Cabdicasiis Yuusuf Aadan Dhaga Badan ayaa u mahadceliye Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed doorka ku lahaayeen tababarkaan maanta lasoo xiray .

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in ciidankan ay dhameystirteen tababarkooda, hadda wixii ka dambeeyana ay diyaar u yihiin in la howlgeliyo, isagoo xusay in taliska booliska uu ku howlanyahay sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa ciidamada booliska ee heer dowlad goboleed iyo heer Federaal.

“Tababarkan la siiyay ciidanka booliska Galmudug ayaa ku yimid iskaashi dhexmaray maamulka Galmudug iyo Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaana uu baaq u diray ganacsatada Galmudug inay ka qeyb qaataan dib u dhiska ciidanka” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo soo xiray tababbarka ayaa tilmaamay in maamulkooda mar waliba ay ku dadaalayaan sidii loo dhisi lahaa hey’adaha ammaanka, islamarkaana Boolisku ay door muhiim ah ku leeyihiin nabad galyada bulshada.

Ciidamaan tababarka loo soo xiray waxaa la filayaa in kaalin weyn ay ka qaataan sugidda amaanka deegaanada Galmudug, gaar ahaana magaalada Cadaado oo xarun iminka u ah maamulkaasi.

IMG_7608 IMG_7764 IMG_7749 IMG_7747 IMG_7738 IMG_7732 IMG_7715 IMG_7714 IMG_7711 IMG_7705 IMG_7703 IMG_7702 IMG_7698 IMG_7692 IMG_7689 IMG_7689 (1) IMG_7683 IMG_7678 IMG_7677 IMG_7667 IMG_7666 IMG_7665 IMG_7664 IMG_7663 IMG_7662 IMG_7661 IMG_7660 IMG_7658 IMG_7656 IMG_7652 IMG_7650 IMG_7641  IMG_7633 IMG_7625 IMG_7622 IMG_7621 IMG_7618 IMG_7611

 

Previous Post

Maamulka Jubbaland oo soo saaray Liiska musharaxiinta aqalka sare

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post
Barnaamijka Faaqidaada Wararka (Dhageyso)

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (ICA Somalia) ayaa sheegtay inay horumar weyn ka samaysay geedi socodka soo saarista baasaboorka Soomaaliga...

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddiga soo xulista Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In