Wasiirka Difaaca Ingiriiska Michael Fallon ayaa sheegay inuu dalkiisa u diray Tunisiya 40 Askeri oo tababarayaal ah si ay ciidamada Tunisiya u siyaan tababar ku saabsan qaabka loola dagaalmo dagaalyahaaniinta Daacish oo ku faafsan dalka ay Tuniisiya jaarka yihiin ee Liibiya.
Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa soo warisay in tababarka ay Ciidamada Inguiriiska siin doonaan kuwa Tunisiya uu ku lug leeyahy dhanka mukhaabaraadka ,kormeerka iyo qeybo kale, waana tababarkii labaad tan iyo markii dalka Ingiriiska looga dilay Xeebaha Tunisiya 30 dalxiisayaal ah sanadkii 2015.
Sida qorshuhu yahay waxaa tababarka ka faaideysan doono 2000 Askeri oo ka mid ah qeybaha mileteriga Tunisiya.