Saturday, April 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo soo dhoweeyey doorashooyinka xubnaha Aqalka Sare ee Galmudug

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “ Waxaan shacabka ugu baaqayaa inay si dhow ula shaqeeyaan, xogtana ula wadaagaan laamaha amniga’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 16 October 2016 – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo dhoweeyey Madaxda iyo Baarlamaanka Galmudug tallaabadii dimoqraadiyada aheyd oo ay xubnaha Aqalka Sare u matalaya Galmudug ku doorteen iyo gaar ahaan inay labo haween ah u soo doorteen Aqalka Sare oo ah tallaabo horey loogu qaaday Doorashada 2016ka.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan marka hore u hambalyeynayaa xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug doorashadii ay shalay iyo maanta ku doorteen xubnihii u matalayey Aqalka Sare ee Jamhuuriyada Soomaaliya. Sidoo kale Madaxweynaha iyo Dowlad Goboleedka GalMudug oo iyagana wadatashi ka dib u gudbiyey baarlamaanka xubnihii u tartamayey inay ka mid noqdaan Aqalka Sare ee dalka.”

Related posts

Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixiyay Shir-Sanadeedka Gugga(Spring Meetings) oo Soomaaliya ay ka qayb gashay sanadkan

Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixiyay Shir-Sanadeedka Gugga(Spring Meetings) oo Soomaaliya ay ka qayb gashay sanadkan

April 18, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka abaartu ku saameysay degmada Raaga Ceelle

Ciidanka Xoogga Dalka oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka abaartu ku saameysay degmada Raaga Ceelle

April 18, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa si gaar ah u bogaadiyey doorka haweenka ee baarlamaanka Galmudug u soo xulay Aqalka Sare, isla markaasna u hambalyeeyey haweenkii ku guuleystay doorashooyinkii shalay iyo maanta.

“Waxaan hambalyo gaar ah u dirayaa Zamzam Dahir Maxamud iyo Jawaahir Axmed Cilmi oo noqday labadii dumar ee ugu horreeyey ee loo doorto inay ka mid noqdaan Aqalka Sare ee dalka, waana taariikh cusub oo Soomaaliya u bilaabatay. Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa horey u go’aamiyey in ugu yaraan 30% xubnaha labada Aqal ay noqdaan dumar, sidaas daraadeed, waan soo dhoweynayaa sida dimoqraadiyada ah oo ay baarlamaanka Galmudug u soo xusheen labo haween ah oo ka mid ah 8da xubnaha Aqalka Sare ee matalaya deegaanada Galmudug.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Dowlad Goboleedyada kale inay sidaas oo kale ay xubnaha Aqalka Sare u soo xushaan oo Baarlamaanada Dowlad Goboleedyadana aan ka codsaneynaa in matalaada haweenka ee Aqalka Sare ay soo xushaan. Haweenka Soomaaliyeed waa geesiyaal u istaagay nabadeynta iyo horumarka dalka, waxaana hubaa inay door wanaagsan ka qaadan doonaan dar-dargelinta horumarka dalka ka jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay door muhiim ah ka qaataan doorashada 2016ka oo ay Dowladda, Dowlad Goboleedyada, Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ay kala shaqeeyaan inay doorashooyinka dib u dhicin isla markaaan u qabsoomaan sidii loogu talagaley.

Previous Post

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban oo soo dhaweeyay xubnaha aqalka sare ee Galmudug

Next Post

Marwada Madaxweynaha Dalka oo xaflad sagootin ah u qabatay Afhayeenkii Madaxtooyada “SAWIRRO”

Next Post
Marwada Madaxweynaha Dalka oo xaflad sagootin ah u qabatay Afhayeenkii Madaxtooyada “SAWIRRO”

Marwada Madaxweynaha Dalka oo xaflad sagootin ah u qabatay Afhayeenkii Madaxtooyada "SAWIRRO"

Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixiyay Shir-Sanadeedka Gugga(Spring Meetings) oo Soomaaliya ay ka qayb gashay sanadkan

Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixiyay Shir-Sanadeedka Gugga(Spring Meetings) oo Soomaaliya ay ka qayb gashay sanadkan

April 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(WASHINGTON):-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa ka warbixiyay shir sanadeedka Gugga(Spring Meetings)oo lagu qabtay magaalada Washington....

Ciidanka Xoogga Dalka oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka abaartu ku saameysay degmada Raaga Ceelle

Ciidanka Xoogga Dalka oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka abaartu ku saameysay degmada Raaga Ceelle

April 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gurmad raashin ah gaarsiiyay bulshada ay abaartu saameysay ee ku nool degmada Raaga Ceelle...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay Madasha Diblomaasiyadadda ee ANTALYA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay Madasha Diblomaasiyadadda ee ANTALYA

April 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(TURKY):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Madasha Hoggaamiyeyaasha Diblumaasiyadda Antaaliya ee dalka Turkiga,...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

April 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Istanbul kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan. 2- Madaxweyne Xasan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In