Saturday, August 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo soo dhoweeyey doorashooyinka xubnaha Aqalka Sare ee Galmudug

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 16, 2016
in Wararka
0
Madaxweynaha: “ Waxaan shacabka ugu baaqayaa inay si dhow ula shaqeeyaan, xogtana ula wadaagaan laamaha amniga’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 16 October 2016 – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo dhoweeyey Madaxda iyo Baarlamaanka Galmudug tallaabadii dimoqraadiyada aheyd oo ay xubnaha Aqalka Sare u matalaya Galmudug ku doorteen iyo gaar ahaan inay labo haween ah u soo doorteen Aqalka Sare oo ah tallaabo horey loogu qaaday Doorashada 2016ka.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan marka hore u hambalyeynayaa xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug doorashadii ay shalay iyo maanta ku doorteen xubnihii u matalayey Aqalka Sare ee Jamhuuriyada Soomaaliya. Sidoo kale Madaxweynaha iyo Dowlad Goboleedka GalMudug oo iyagana wadatashi ka dib u gudbiyey baarlamaanka xubnihii u tartamayey inay ka mid noqdaan Aqalka Sare ee dalka.”

Related posts

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari oo ka socota Laascaanood

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari oo ka socota Laascaanood

August 23, 2025
Dhambaal Tacsi;- Marxuum Danjire Sharif Mohamed Omar

Dhambaal Tacsi;- Marxuum Danjire Sharif Mohamed Omar

August 23, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa si gaar ah u bogaadiyey doorka haweenka ee baarlamaanka Galmudug u soo xulay Aqalka Sare, isla markaasna u hambalyeeyey haweenkii ku guuleystay doorashooyinkii shalay iyo maanta.

“Waxaan hambalyo gaar ah u dirayaa Zamzam Dahir Maxamud iyo Jawaahir Axmed Cilmi oo noqday labadii dumar ee ugu horreeyey ee loo doorto inay ka mid noqdaan Aqalka Sare ee dalka, waana taariikh cusub oo Soomaaliya u bilaabatay. Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa horey u go’aamiyey in ugu yaraan 30% xubnaha labada Aqal ay noqdaan dumar, sidaas daraadeed, waan soo dhoweynayaa sida dimoqraadiyada ah oo ay baarlamaanka Galmudug u soo xusheen labo haween ah oo ka mid ah 8da xubnaha Aqalka Sare ee matalaya deegaanada Galmudug.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Dowlad Goboleedyada kale inay sidaas oo kale ay xubnaha Aqalka Sare u soo xushaan oo Baarlamaanada Dowlad Goboleedyadana aan ka codsaneynaa in matalaada haweenka ee Aqalka Sare ay soo xushaan. Haweenka Soomaaliyeed waa geesiyaal u istaagay nabadeynta iyo horumarka dalka, waxaana hubaa inay door wanaagsan ka qaadan doonaan dar-dargelinta horumarka dalka ka jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay door muhiim ah ka qaataan doorashada 2016ka oo ay Dowladda, Dowlad Goboleedyada, Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ay kala shaqeeyaan inay doorashooyinka dib u dhicin isla markaaan u qabsoomaan sidii loogu talagaley.

Previous Post

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban oo soo dhaweeyay xubnaha aqalka sare ee Galmudug

Next Post

Marwada Madaxweynaha Dalka oo xaflad sagootin ah u qabatay Afhayeenkii Madaxtooyada “SAWIRRO”

Next Post
Marwada Madaxweynaha Dalka oo xaflad sagootin ah u qabatay Afhayeenkii Madaxtooyada “SAWIRRO”

Marwada Madaxweynaha Dalka oo xaflad sagootin ah u qabatay Afhayeenkii Madaxtooyada "SAWIRRO"

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari oo ka socota Laascaanood

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari oo ka socota Laascaanood

August 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD): Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Dowlad goboleedka Waqooyi Bari ayaa maanta ka dhacaysa magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Musharaxiin...

Dhambaal Tacsi;- Marxuum Danjire Sharif Mohamed Omar

Dhambaal Tacsi;- Marxuum Danjire Sharif Mohamed Omar

August 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, Wasiiru dowlaha Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiir...

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan la qadatay Xoghayaha Shaqaallaha Dowladda Norway

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan la qadatay Xoghayaha Shaqaallaha Dowladda Norway

August 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdi ay hogaamineyso oo safar...

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

August 22, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa magaalada Yokohama kulamo miro-dhal ah kula yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In