Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Marwada Madaxweynaha Dalka oo xaflad sagootin ah u qabatay Afhayeenkii Madaxtooyada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Marwada Madaxweynaha Dalka oo xaflad sagootin ah u qabatay Afhayeenkii Madaxtooyada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 16 Ocober 2016 – Munaasabad lagu sagootinayey Afhayeenkii Madaxweynaha Daud Aweys Jama oo ay ka soo qeyb galeen Marwada Koowood ee Madaxweynaha Qamar Cali Cumar, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda, agaasimayaasha Waaxyaha Madaxtooyadda iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

Agaasimaha Waaxda Habmaamuuska Madaxtooyadda Cabdiraxmaan Aaden Cusmaan oo furay xaflada ayaa ka hadlay munaasbaada sheegayna in  Daa’uud Aweys uu waxbadan ka beddelay xafiiska Madaxweynaha mudadii labada sano ahayd ee uu shaqeynayey.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Shador Haji Maxamud ayaa sheegay in uu si dhow ula soo shaqeeyey Daud Aweys, isla markaasna uu ahaa shaqsi hufan, wadani ah isla markaasna u yimid Soomaaliya inuu dalkiisa wax u qabto. Wasiirkii hore ee Warfaafinta isla markaasna ahaa Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Eng. Yarisow ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadkii ka hadlay xafladda isla markaasna qiray waayo aragnimada, kartida iyo howlkarnimada uu Daa’uud ku soo kordhiyey dalka iyo madaxtooyada, una rajeeyey inuu shaqadiisa cusub u gudan doono si daacad ah.

Daud Aweys ayaa u mahadceliyey Marwada Madaxweynaha Marwo Qamar Cali Cumar, sheegeyna in mudadii 2da sano ee uu Madaxtooyada joogey uu ku faraxsanaa sida dhammaan shaqaalaha ay ula shaqeeyeen uguna fududeeyeen inuu howshiisa guto.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Cali Cumar ayaa sheegay inuu in muddo ah yaqaanay Daud Aweys isla markaasna uu yahay shaqsi leh karti iyo hufnaan mudadii uu Madaxtooyada joogeyna uu har iyo habeen u taagnaa inuu dalkiisa u shaqeeyo. Waxuuna sheegay in Daud uu ka howlgali doono Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya isla markaasna uu si hufan uga soo dhalaali doono.

Ugu danbeyntii waxaa xaflada soo xiray Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Marwo Qamar Cali Cumar, oo ku tilmaantay Daud Aweys shaqsi wanaagsan oo howlihiisa u gutay si heer sare ah, una rajeysay inuu shaqada cusub ugu adeegi doono danta guud ee dalka iyo horumarka. Marwo Qamar ayaa ku ammaantay Daud howlkarnimo, daacad iyo wadan jaceylkiisa, una rajeysay kheyr badan iyo meel walba uu tago inuu u istaago dalkiisa.

IB0A5881 IB0A5904 IB0A5932 ggg IB0A5932 IB0A5992 IB0A6021 IB0A6061 IB0A6110

Previous Post

Madaxweynaha oo soo dhoweeyey doorashooyinka xubnaha Aqalka Sare ee Galmudug

Next Post

Kudbadihii Murashixiinta u tartamaya Xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle oo soo gabagabowday

Next Post
Kudbadihii Murashixiinta u tartamaya Xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle oo soo gabagabowday

Kudbadihii Murashixiinta u tartamaya Xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle oo soo gabagabowday

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In