Muqdisho, 16 Ocober 2016 – Munaasabad lagu sagootinayey Afhayeenkii Madaxweynaha Daud Aweys Jama oo ay ka soo qeyb galeen Marwada Koowood ee Madaxweynaha Qamar Cali Cumar, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda, agaasimayaasha Waaxyaha Madaxtooyadda iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.
Agaasimaha Waaxda Habmaamuuska Madaxtooyadda Cabdiraxmaan Aaden Cusmaan oo furay xaflada ayaa ka hadlay munaasbaada sheegayna in Daa’uud Aweys uu waxbadan ka beddelay xafiiska Madaxweynaha mudadii labada sano ahayd ee uu shaqeynayey.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Shador Haji Maxamud ayaa sheegay in uu si dhow ula soo shaqeeyey Daud Aweys, isla markaasna uu ahaa shaqsi hufan, wadani ah isla markaasna u yimid Soomaaliya inuu dalkiisa wax u qabto. Wasiirkii hore ee Warfaafinta isla markaasna ahaa Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Eng. Yarisow ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadkii ka hadlay xafladda isla markaasna qiray waayo aragnimada, kartida iyo howlkarnimada uu Daa’uud ku soo kordhiyey dalka iyo madaxtooyada, una rajeeyey inuu shaqadiisa cusub u gudan doono si daacad ah.
Daud Aweys ayaa u mahadceliyey Marwada Madaxweynaha Marwo Qamar Cali Cumar, sheegeyna in mudadii 2da sano ee uu Madaxtooyada joogey uu ku faraxsanaa sida dhammaan shaqaalaha ay ula shaqeeyeen uguna fududeeyeen inuu howshiisa guto.
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Cali Cumar ayaa sheegay inuu in muddo ah yaqaanay Daud Aweys isla markaasna uu yahay shaqsi leh karti iyo hufnaan mudadii uu Madaxtooyada joogeyna uu har iyo habeen u taagnaa inuu dalkiisa u shaqeeyo. Waxuuna sheegay in Daud uu ka howlgali doono Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya isla markaasna uu si hufan uga soo dhalaali doono.
Ugu danbeyntii waxaa xaflada soo xiray Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Marwo Qamar Cali Cumar, oo ku tilmaantay Daud Aweys shaqsi wanaagsan oo howlihiisa u gutay si heer sare ah, una rajeysay inuu shaqada cusub ugu adeegi doono danta guud ee dalka iyo horumarka. Marwo Qamar ayaa ku ammaantay Daud howlkarnimo, daacad iyo wadan jaceylkiisa, una rajeysay kheyr badan iyo meel walba uu tago inuu u istaago dalkiisa.