Shir looga hadlayay isbedalka Cimilada Adduunka iyo dhibaatada ay ku heyso Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika, kaasoo socondoono muddo seddex cvisho ah.
Shirkaasi oo uu Soomaaliya uga qeybgalay Agaasimaha guud ee Bii’ada ee Xafiiska Raโiisal wasaaraha Soomaaliya, ayaa looga hadlayaa arrimo dhowr ah oo la xiriira cimilada,iyadoo ay ka qeybgalayaan dalal ay ka mid yihiin Wadamada soo koraya ee Qaarada Afrika , waxaanaa diiradda lagu saaray sidii looga wada hadli lahaa isbedalka cimilada adduunka gaar ahaan Qaaradda Africa.
Shirkaasi waxaa ka soo qeybgalay Ergooyin ka kala socday ilaa 80 wadan oo u badnaa kuwa qaarada Afrika waxaana Waddanka Soomaaliya u matalayay Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud oo ah Agaasimaha guud ee Biiโada Xafiiska Raโiisal wasaaraha Soomaaliya.
Agaasimaha ayaa warbaahinta u sheegay in Soomaaliya uu shirkaan ugu jiro faaโiido weyn isla markaana ay dhibaato ku qabto isbedalka cimilada aduunka.
โShirkaani waa mid aad u ballaaran waxaaana uu ku saabsan yahay sidii Wadamada Sfrika uga wada hadli lahaayeen ugana doodi lahaayeen dhibaatooyinka Cimilada ay ku hayso Wadamada Africa iyo sidii dhaqaalo loogu heli lahaa Soomaaliya gaar ahaan dhibaatada ay ku heyso oo ah abaaro joogto ah iyo marka uu roobka yimaado daad Xoolahii iyo dalagii xaalufinaya โ ayuu yiri Agaasimaha Guud eeย Biiโada Xafiiska Raโiisal wasaaraha Soomaaliya.
Shirkan ayaa Magaalada Cape Town ee Wadanka Koonfur Afrika waxaa uu ka socon doona mudda seddax maalin ah, waxaana la rajeynaa in marka uu soo dhamaado laga soo saari doono war-murttiyeed.