Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Jabuuti: “Anagu marwaliba waxaan diyaar u nahay in dhiigeenna iyo dhaqaalaheenna aan u hurno walaalaheenna Soomaaliyeed”+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Danjiraha Jabuuti: “Anagu marwaliba waxaan diyaar u nahay in dhiigeenna iyo dhaqaalaheenna  aan u hurno walaalaheenna Soomaaliyeed”+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025

Danjiraha Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaliya. Aden Xassan Aden ayaa shaaca ka qaaday in weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay kooxaha nabad diidka Al-shabaab ku qaadaan xarun ay ciidamada AMISOM ee Jabuuti ku lahaayeen duleedka Magaalada Beledweyne uusan waxba ka badali doonin howlaha nabad ilaalinta ee ay ciidamada Jabuuti u joogaan gudaha Soomaaliya.

Danjiraha ayaa sheegay in ay sii wadayaan dadaallada ay ku nabadeynayaan Soomaaliya, ilaa iyo inta laga cirib tiraayo haraadiga kooxaha nabad diidka ee ku dhuumaaleysanayo qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.

“Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay lala beegsada xarun ay ciidamada Jabuuti ku lahaayeen duleedka Beledweyne waxba kama badali doono howlaha nabad ilaalinta ah ee aan ku caawineyno walaalaheen Soomaaliyeed. Anagu marwaliba waxaan diyaar u nahay in dhiigeen iyo dhaqaalaheena intaba aan u hurno walaalaheen Soomaaliyeed illaa iyo inta ay isku filnaasho ka gaarayaan” ayuu yiri Danjiraha dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya,. Aden Xassan Aden.

Danjiraha ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM si looga hortago qatarta ay kooxaha nabad diidka umaleegayaan shacabka Soomaaliyeed ee aanan waxba galabsan.

Hadalkaan ka soo baxay Danjiraha dowladda Jabuuti ee Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli shalay maleyshiyaad ka tirsan argagixisada Al-shabaab ay weeraro isugu jira ismiidaamin iyo qaraxyo ay ku qaadeen xarun ay ciidamada Jabuuti ku la haayeen galbeedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

IMG_0003 IMG_0011 IMG_0013

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaatay Kaarka Cod-bixinta ee Guddiga Madaxa Bannaan...

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Abu Dubai kulama...

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA HOOSE): Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal amni ka fuliyay magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay la kulmay qaad kamid ah bulshada magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In