Saturday, May 31, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Afhayeenka AMISOM oo sheegay in xaalad beni’aadanimo ay ka jirto magaalada Ceel Baraf

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 26, 2016
in Wararka
0
Kenya oo sheegtay in howlgal ka dhacay J/Hoose ay ku dishay maleeshiyaad katirsan Al-shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa howlo kormeer ah u tegay deegaanka Ceel Baraf, kuwaasi oo ujeedka socdaalkooda ay la xiriirtay u kuurgelidda xaaladda magaalada, maadaama dadka intooda badan ay magaaladaasi ka barakaceen.

saraakiisha AMISOM ayaa ka warbixiyay biyo la’aanta ka jirta magaalada iyo guud ahaan xaaladda amniga, iyagoo xusay in dadka deegaanka ay u baahanyihiin inay helaan adeegyada guud ee bulshada, maadaama aysan halkaasi ka jirin adeegyadii caafimaadka, waxbarashada iyo kuwa kale ee aas aasiga u ah nolosha beni’aadamka.

Related posts

Danjire Jabriil oo qaabilay Safiirka India ee Soomaaliya iyo Kenya

Danjire Jabriil oo qaabilay Safiirka India ee Soomaaliya iyo Kenya

May 31, 2025
Danjiraha JFS ee dalka Yemen oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi

Danjiraha JFS ee dalka Yemen oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi

May 31, 2025

Nabadoon Muuse Sharaawe iyo Maxamuud Cali Garabeey oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa xusay in maleeshiyada Al-Shabaab ay dhibaato ku hayaan dadka deegaanka, kuwaasi oo inta badan Shabaabka kala kulma caga jugleen iyo dhibaatooyin kale oo loo geysto, waxaana ay codsadeen in laga dulqaado dhibaatada ay argagixisada Al-Shabaab ku hayaan shacabka magaalada Ceel Baraf ee ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Joe kibet oo u waramay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in socdaalka ay ku tegeen magaalada ay qeyb ka ahayd sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaalada magaalada, isagoo xusay in koox wariyeyaal ah oo ay ka wadeen caasimadda ay ujeedku ahayd sidii loo tebin lahaa xaqiiqda ka jirta magaalada Ceel Baraf.

“Arrinta murada leh ee halkan ka jirta waxa ay tahay, in badanaa dadkii magaaladan ku noolaa ay isaga baracaceen sababo la xiriira biyo la’aanta ka jirta magaalada, waxayna dadka nagu soo wargelyeen in saddex todobaad ka hor maleeshiyada Al-Shabaab ay bur buriyeen ceelkii ay dadka biyaha ka cabi jireen, taas ayaana keentay in dadku ay magaalada ka baracaan oo ay raadsadaan meelo kale oo ay biyaha ka heli karaan, dadka waxay kaloo u baahanyihiin inay helaan adeegyada guud ee bulshada sida caafimaad, waxbarasho iyo wixi kale ee la hal maala”.

 

 

Previous Post

Taliyaha ciidanka booliska oo darajooyin u xiray saraakiil la dalacsiiyay oo dumar ah “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo xilka laga qaaday

Next Post
Yuusuf Daba-geed: waxaan ku balanay Odayaasha labada dhinac in la kala qaado Maleeshiyaadkii Dagaalamay”Dhagayso”

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo xilka laga qaaday

Danjire Jabriil oo qaabilay Safiirka India ee Soomaaliya iyo Kenya

Danjire Jabriil oo qaabilay Safiirka India ee Soomaaliya iyo Kenya

May 31, 2025
0

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ku qaabilay Danjire...

Danjiraha JFS ee dalka Yemen oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi

Danjiraha JFS ee dalka Yemen oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi

May 31, 2025
0

RADIO MJQDISHO: Danjiraha JFS ee dalka Yemen Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga...

Wasiir-dowlaha Beeraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galay shirka IFAD

Wasiir-dowlaha Beeraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galay shirka IFAD

May 31, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiir-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed, oo hoggaamiya wafdiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo si rasmi ah u furtay Imtixaanka Qoraalka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo si rasmi ah u furtay Imtixaanka Qoraalka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

May 31, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta si rasmi ah magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In