kulan looga hadlayay sidii ururka dhaq dhaqaaqa iskaashatooyinka gobolka Banaadir uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.
Kulanka waxaa ka qeyb galay gudoomiyaha ururka dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka Soomaaliyeed, qaar ka mid ah ururka dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka, iyo martisharaf kale.
Xaaji Yuusuf Cabdulle Axmed oo ka hadlay kulanka ayaa tilaamay in kulankooda ay uga hadleen ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka, wuxuuna tilmaamay in ururka dhaq dhaqaaqa iskaashatooyinka ay wadaan howlo ay ugu qeyb qaadanayaan dib u dhiska dalka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
“ Waxaan maanta uga hadleyney kulankeenna sidii ururka iskaashatooyinka ay ugu qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka, gaar ahaan caasimadda magaalada Muqdisho, waxaana la isku raacay in meel ay ugu soo jeestaan iskaashatooyinka ayna dib u dhiska dalka” ayuuy iri Xaaji Yuusuf.
Gudoomiyaha ururka dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka gobolka Banaadir Daahir Maxamuud Dirir ayaa ka warbixiyay kulanka ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay ururka iskaashatooyinka in ay ka qeyb qaataan horumarka ka soconaya caasimadda.
Ururka iskaashatooyinka waxey u istaageen in ay dhisaan dalka isla markaana ay ka qeyb qaataan horumarka kaabayaasha dhaqaalaha dalka, waxaana sii wadi doonaa in aan ka qeyb qaadano dib u dhiska dalka ilaa dalka uu ka dhismo.