Friday, February 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo dowladda iyo shacabka Turkiga ugu hambalyeeyay maalinta qaranimada dalkaasi+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha oo dowladda iyo shacabka Turkiga ugu hambalyeeyay maalinta qaranimada dalkaasi+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay maalinta qaranimada jamhuuriyadda Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabada oo si heer sare ah loo soo agaasimay laguna xusayay 93 sano guuradi ka soo wareegtay aas aaskii Jamhuuriyadda Turkiga ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud R/wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte, wasiirka Amniga, wasiirka maaliyadda, Saraakiil ciidan Danjirayaasha dalalka caalamka u fadhiya Muqdisho iyo marti sharaf kale oo halkaasi lagu casuumay.

Related posts

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

February 13, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

February 12, 2026

Furitaanki xafladaasi oo laga garaacay astaanta calankeenna iyo kan Turkiga ayaa waxaa ka hadlay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mr. Elgon Bekar, isagoo mahadcelin kaddib ku dheeraaday taariikhda halgankii loo soo galay aas’aaskii Jamhuuriyadda Turkiga oo iminka loo dabaaldegayo sanadguuradeedii 93-aad iyo xiriirka u dhaxeeya labada dowladood Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal kooban ka jeediyay halkaasi ayaa dowladda iyo Shacabka Turkiga ugu hambalyeeyay maalinta Qaranka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay gurmadki dowladda iyo shacabka Turkigu ay u fidiyeen walaalohooda Soomaaliyeed, wuxuuna soo hadalqaaday booqashooyinkii taariikhiga ahaa ee madaxweynaha dalkaasi Rajab Dayib Erdogan uu ku yimid Soomaaliya.

Wuxuu madaxweynuhu tilmaamay in walaalaha Turkiga mashaariicda ay ka fuliyeen dalka ka sokoow  ay gacmahooda uga qeybqaateen nadaafadda iyo dib u dhiska caasimadda dalka ee Muqdisho.

Safaaradda Turkiga ee galabta lagu qabtay munaasabadan ayaa ah tan ugu dhismo balaaran ee Turkigu ku leeyahay wadamada caalamka taasina waxey muujineysaa sida uu u horumarsanyahay xiriirka uu dalkeenu la leeyahay dalka Turkiga.

DSCN4960 DSCN4964 DSCN4965 DSCN4966 DSCN4970 DSCN4972 DSCN4973 DSCN4981 DSCN4982 DSCN4984 DSCN4987 DSCN4989 DSCN4990 DSCN4992 DSCN5001 DSCN5003 DSCN5005 DSCN5010 DSCN5012 DSCN5014 DSCN5018 DSCN5022 DSCN5025 DSCN5035 DSCN5037 DSCN5038 DSCN5039 DSCN5040 DSCN5042 DSCN5044 DSCN5074

 

Previous Post

Madaxweynaha oo ka qeyb galay xaflad lagu weynayo xuska 93 guurada Jamhuuriyadda Turkiga

Next Post

Ciidanka Nabadsugidda oo soo badbaadiyey haweeney Kenyan ah

Next Post
Ciidamada Nabad Sugidda Maamulka Galmudug oo soo furtay ajaaniib afduub loo Heystay

Ciidanka Nabadsugidda oo soo badbaadiyey haweeney Kenyan ah

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

February 13, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa maalinimadii shalay cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland,iyagoo ku dhawaaqay in tallaabadaasi ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

February 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qaybgalay Baalfurka Buugga “Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika”,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

February 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo kulan la qaatay Wafdi ka socday Ingiriiska

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo kulan la qaatay Wafdi ka socday Ingiriiska

February 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan la qaatay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In