Tuesday, August 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo qaabilay wasiirka Arrimaha Dibedda Burundi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Su’aal ma u qabtaa madaxweynaha Soomaaliya?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

August 10, 2026
Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

August 10, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa qaabilay wasiirka Arrimaha Dibedda iyo xiriirka Caalamiga ah ee dalka Burundi oo soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya,  waxa uu madaxweynaha ku soo dhoweeyey wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee dowladda Brundi, Alian Aime NYamitwe,  kulanka waxaa   joogey wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya iyo saraakiil kale oo dowladda Soomaaliya ka tirsan, madaxweynaha ayaa Wasiirka ka guddoomay salaan iyo dhambaal uuu   uga siday madaxweynaha dalka Burundi.
Waxaa aad looga hadlay doorka Ciidammada Burundi ee nabaddeynta Soomaaliya  ee howlgalka AMISOM, madaxweynaha ayaa uga mahadceliey wasiirka booqashadiisa  Soomaaliya iyo dhambaalka uu iga siday dhiggiisa dalkaasi.
Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Cali Kadiye, ayaa kulanka kaddib u sheegay SNTV in si weyn looga hadlay xiriirka labada dal  iyo in looga  mahadceliyo doorka ay ciidankooda AMISOM ka tirsan ka qaataan nabadda Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee dowladda Burundi Alian Aime NYamitwe ayaa sheegay in kulankii uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya  in uu ka turjumayo xiririka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dalka, waxaan si gaar ah uga  hadalnay ciidammada Burundi ee Soomaaliya jooga iyo  in dedaalkaasi uu sii socdo.
“madaxweynaha Soomaaliya ayaan la kulmay, aad ayaan ugu faraxsanahay, kulankeenna waxa uu ahaa mid muhiim ah oo aan uga hadalnay xiriirka labada dowladood ka dhaxeeya, si gaar ah waxaan isaga wareysanay ciidammada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi, kulankaasi waxaan iskula garannay in aan sii wadno dedaalka aan nabadda Soomaaliya uga sii qeyb-qaadaneyno, maadaama aynu nahay waddamo walaal ah oo wadaagga dano badan” ayuu yiri wasiirka Arrimaha Dibedda Burundi Alian Aime NYamitwe.
Dawladda Burundi  ayaa ka mid ah wadamada ciidanka nabad ilaalinta  keenay Soomaaliya, ilaa haddana ka howlgalla,  dowladda Soomaaliya waxa ay dhankeeda muujisay sida ay uga xuntahay dhibaatooyinkii dalka Burundi ka dhacay ee dhanka siyaasadda la xiriiray.
Previous Post

Bannaanbaxyo looga horjeedo Donald Trump oo ka socda Dalka Mareykanka.

Next Post

Wejigii Saddexaad ee doorashooyinka Aqalka hoose Jubbaland oo Maanta lasoo gabagabeeyay

Next Post
Wejigii Saddexaad ee doorashooyinka Aqalka hoose Jubbaland oo Maanta lasoo gabagabeeyay

Wejigii Saddexaad ee doorashooyinka Aqalka hoose Jubbaland oo Maanta lasoo gabagabeeyay

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

August 10, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa kulan xogsiin ah la qaatay xubnaha beesha...

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

August 10, 2026
0

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa maanta Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Shirkada Marina Seafood...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

August 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

August 10, 2026
0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cali Shacbaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In