Sunday, May 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Masar oo sheegtay in ay Dugsiyo lacag la’aan ah ka hirgelineyso Soomaaliya.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 23, 2016
in Wararka
0
Dowladda Masar oo sheegtay in ay Dugsiyo lacag la’aan ah ka hirgelineyso Soomaaliya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Masar ayaa si loo horumariyo waxbarashada carruurta Soomaaliyeed waxa ay sheegtay in ay Muqdisho  ka hirgelin doonto Iskuulaad Waxbarasho oo lacag la’aan ah, kuwaasoo isugu jira Hoose iyo dhexe kaddib kulan Qunsulka Safaaradda Masar ee Soomaaliya uu Magaalada Muqdisho kula qaatay Macallimiin Masaari ah oo loogu tala galay in Iskuulaadkasi ay Masar ka hir gelineyso Magaalada Muqdisho isla markaasna ay iyagu maamulayaan, macallimiinta wax ka dhigeysana iyaga yihiin.

Soddon sano kaddib ayay Dowladda Masar dib u billaabeysaa Iskuuladii Waxbarasho oo ay kaga qeyb qaadaneysay horumarinta waxbarashada Soomaaliya,waxaana iskuulaadkaan maaddooyinka lagu dhigayo ay ku saleysanaan doonaan  Manhajka Waxbarasho  ee Dalka Masar, marka laga reebo maadooyinka Taariikhda iyo Juquraafiga oo Soomaaliya lagu saleyn doono si ay ardayda wax badan uga ogaadaan Taariikhda dalkooda.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

May 11, 2025
Hay’adaha DFS oo isugu yimid kulan looga hadlayay Qorshaha Qaran  ee la dagaalanka isbeddelka cimilada

Hay’adaha DFS oo isugu yimid kulan looga hadlayay Qorshaha Qaran ee la dagaalanka isbeddelka cimilada

May 11, 2025

Qunsulka ayaa sheegay in inta dowlada Masar ay ka hir gelineyso iskuulaadkaasi si KMG ah loogu shaqeyn doono iskuulada kala ah 15-ka May iyo Sheekh Xasan Barsame.

Qunsulka Safaaradda Masar ee Soomaaliya Taamir Safwat oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa u mahad celiyay Macallimiintan Masaarida ah kuwaasoo Soomaaliya u yimid in ay wax baraan caruurta Soomaaliyeed.

Dalalka Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin Ganacsiga iyo waxbarashada, waxaana sidoo kale  dalkeeda  ku sugan Arday soomaaliyeed oo halkaasi wax ka barta kuwaasoo qaarkood Deeq Waxbarasho ka helay dalkaasi..

Previous Post

Magaalada Garowe oo maanta saddex kursi loo tartamay

Next Post

Jubbaland oo hal kursi dib loo dhigay berri Doorashooyinka Aqalka Hoose

Next Post
DAAWO SAWIRRADA:- Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka Ee Baydhabo Ka Bilaabatay

Jubbaland oo hal kursi dib loo dhigay berri Doorashooyinka Aqalka Hoose

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

May 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay...

Hay’adaha DFS oo isugu yimid kulan looga hadlayay Qorshaha Qaran  ee la dagaalanka isbeddelka cimilada

Hay’adaha DFS oo isugu yimid kulan looga hadlayay Qorshaha Qaran ee la dagaalanka isbeddelka cimilada

May 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Hay’adaha dowladda federaalka ayaa maanta isugu yimid kulan muhiim ah oo lagu lafagurayo, laguna ansixinayo Qorshaha Qaran ee...

Shir u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika oo lagu soo gabagabeeya Magaalada Mombasa

Shir u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika oo lagu soo gabagabeeya Magaalada Mombasa

May 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Waxaa Magaalada Mombasa ee dalka Kenya lagu soo gaba-gabeeyay shir wada-tashi ah oo u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika...

Shirka guddiga qeybta Furdooyinka ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Tanzania

Shirka guddiga qeybta Furdooyinka ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Tanzania

May 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Magaalada Arusha ee dalka Tanzania waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka arrimaha Furdooyinka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In