Sunday, June 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababar lagu horumarinayo gobollada Dalka oo ay qabatay Wasaaradda Arrimaha Gudaha+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Tababar lagu horumarinayo gobollada Dalka oo ay qabatay Wasaaradda Arrimaha Gudaha+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarkan oo socday muddo afar maalmood ah ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxay u qabatay 27 xubnood oo ka mid ah howl wadeennadan Mashruuca Xasilinta goobaha laga xoreeyay kooxaha Nabad diidka ah ee dalka.

Soo celinta rajada Bulshada ee deeganada nabad-diidka laga saaray, bilaabidda Adeegyada Bulshada iyo sidii ay wax u wada qabsan lahaayeen ayaa ka mid ahaa waxyaabihi la barayay ka qeyb galayaasha tababarka oo ka kala yimid 15 dagmo oo ka mid ah kuwa dhawaan gacanta u soo galay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana muhiimadiisu ahayd xoojinta iyo tayaynta howlwadeenada.

Related posts

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo baaq-nabadeed u dirtay beelaha ku dagaallamaya Hiiraan

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo baaq-nabadeed u dirtay beelaha ku dagaallamaya Hiiraan

June 21, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka

June 21, 2026

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Prof Yaxye Cali Ibraahim oo soo xiray tababarka howlwadeenada mashruucan ayaa sheegay inay bud-dhig u yihiin dhismaha Dowladaha Hoose iyo baahinta awooda Dowladda Dhexe.

”Waxaan idiin kaga hambalyaynayaa inaad qaadateen tababarkan oo muhiiim u ah howlaha aad qabateen mudadii afarta maalmood aheed ee la soo dhaafay, waxaad lafdhabar u tihiin  hirgalinta Nidaamka Dowliga ah, waxaa hadda socda dhismaha Dowladaha Hoose waxaadna u tihiin bud dhig barnaamijka wadajir oo muhiimadiisu ay tahay dhismaha dowladaha hoose ee dalka iyo hormarintoodu iyo sidii adeegga bulshada dadka loo gaarsiin lahaa” ayuu yiri Xogaha Joogtada ah ee Wasaaradda.

Shahadooyin  ayaa la gudoonsiiyay howlwadeenadii ka qeyb galay tababarka.

Mashruuca xasilinta oo ah mid la fal galaya howlgallada dib u xoreynta goobaha Nabad-diidku ay ku sugan yihiin ayaa inta badan waxa laga hirgaliyay deegaanadii ay Ciidamada Qaranku kala wareegeen Maleeshiyada Alshabaab.

vlcsnap-2016-12-02-15h38m06s103 vlcsnap-2016-12-02-15h38m22s43 vlcsnap-2016-12-02-15h38m31s117 vlcsnap-2016-12-02-15h38m54s107 vlcsnap-2016-12-02-15h39m03s191 vlcsnap-2016-12-02-15h39m34s223 vlcsnap-2016-12-02-15h39m45s105

Previous Post

Afhayeenka guddiga Doorashooyinka dadban oo ka qeybgalay barnaamijka kulanka todobaadka

Next Post

Doorashada Aqalka Hoose ee Cadaado ka dhacay oo maanta hal kursi lagu tartamay

Next Post

Doorashada Aqalka Hoose ee Cadaado ka dhacay oo maanta hal kursi lagu tartamay

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo baaq-nabadeed u dirtay beelaha ku dagaallamaya Hiiraan

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo baaq-nabadeed u dirtay beelaha ku dagaallamaya Hiiraan

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha KMG ah, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore...

Muqdisho oo martigelisay munaasabadda “Mahadsanid Madaxweyne”

Muqdisho oo martigelisay munaasabadda “Mahadsanid Madaxweyne”

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo loogu magac daray “Mahadsanid Madaxweyne” oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa lagu...

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo xilka ku wareejiyay sii-hayaha xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo xilka ku wareejiyay sii-hayaha xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In