Xaflad lagu weyneynayey dhalashada Nabigeena Muxammad (NNKH ) ayaa Xalay lagu qabtay Magaalada Dhusamareb ee Xarunta Gobolka Galgaduud waxaana ka soo qeybgalay Dad-weyne aad u fara badan oo isugu yimid Masjidka Jaamica ah ee Sh Cabdi .
Ugu horeyn waxaa ka hadlay Munaasabada Sh Axmed Ibrahim Jibriil iyo Macalin Maxamuud Soomane waxa ayna ka hadleen muhiimadda ay leedahay xafladan, iyagoo sheegay in Muslimiinta ay Waajib ku tahay weynaynta dhalashada NMNNKH .
Inata Xafladu socotay ayaa waxaa la soo bandhigay Qasiidooyin Nabi Ammaan ah waxaana qaar ka mid ah qaadayey caruur ka qeybgashay Munaasabada, kuwaasoo ka mid ah ardayda Dugsiyada Qur’aanka Kariimka .
Ugu dambeyn waxaa munaasabada soo gabagabeeyey Sh C/wali Xaaji Diiriye oo hormuud u ahaa qaban qaabada Xafladaan lagu maamuusayey Dhalashada Nabigeena ( NNKH) waxa uuna sheegay in qeybihii hore la soo gaba gabeeyey balse la sii wadi doono qeybo kale inta Bishan lagu guda jiro .