Qabanqaabada xaflada dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa saaka ka socota magaalada Muqdisho taasoo lagu qabandoona dugsiga sare ee booliiska “Jeneraal Kaahiye”.
Xaflada dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamanka ayaa lagu wadaa iney goob joog ka noqdaan madaxda dowladda, kuwa maamulgoboleedyada iyo wakiillo ka socda beesha caalamka.
Dhaarinta xildhibaanada kaddib ayaa la filayaa in baarlamanka cusub uu yeesho kalfadhigiisa ugu horeeyay, si ay mudanayaashu u doortaan guddoon ku meel ah oo noqon doona qofka ugu da’da weyn, kaaso hoggaamin doona tan iyo inta laga dooranayo guddoon rasmi ah.