Munaasabadaan oo ay Marwada koowaad ee dalka u sameysay Carruurta gabdhaha Agoonta ah ee lagu Xanaaneeyo xarunta gabdhaha agoonta ah ee Degmada Boondheere oo ay gacanta ku heyso,waxbarashadooda iyo xanaanadooda Nololeed ayaa waxaa ka qeyb galey xildhibaanno ka koobna labada Aqal, haweenka Qaranka, madaxda gacanta ku heysa gabdhahaan agoonta iyo marti sharaf kale.
Mas’uuliyiintii ka hadlay goobta ayaa ka shekeeyey howlahaan ay Marwada koowaad ee dalka ku garab istaagtay dadka bulshada ugu jilicsan oo ay ka mid yihiin qaxootiga Abaaraha ku soo barakacey,Yamaniyiinta Colaaduhu keeneen, Agoonta, dumarka xiliyada foosha isku furanku ku dhaco, iyo dadka Naafada ah oo ay markasta dadaallo ku bixiso marwadu ay gacan ku siinayso bulshadaas.
Batuule Sheekh Axmed Gaballe oo ah Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo munaasabada hadal ka jeedisay ayaa ka hadashey Marwada koowaad ee dalka Qamar Cali Cumar sidey ugu dhiirato markasta gacan siinta dadka Jilicsan.
“Marwa Qamar waxaan ku bogaadinayaa markasta sidey isku garab taagto dadka masaakinta ee bulshada ugu jilicsan sida, agoonta iyo qaxootiga” Ayey tiri Maama batuulo gaballe.
Guddoomiyaha xarunta gabdhaha agoonta ah ee degmada Boondheere Nuurto Maxamed Cabdi ayaa ka sheekeysay xaaladda ay ku nool yihiin gabdhahaan agoonta ah iyo halka ay mareyso waxbarashadooda iyadoo rajo wanaagsan ka muujisay noloshooda .
Xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi oo ka mid ah Mudanayaasha Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa ku bogaadisay marwada koowaad ee madaxweynaha dalka dadaalka gabdhahaan agoonta ah ay Noloshooda iyo waxbarashadooda ku taageertay.
Marwada koowaad ee Madaxweynaha dalka Qamar Cali Cumar oo gaba gabadi halkaasi hadal ka jeedisay ayaa ugu baaqday dadka illaahey waxsiiyey iney gacan ka geestaan caawinta dadka ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira.