Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Ibrahim iidle Suleymaan, oo ay wehliyeen Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali Daahir, Gudoomiyaha Maxkmadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir Saalax Ibraahim Dhiblaawe Gudoommiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee C.Q.S G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Maanta kormeeray Xabsiga dhexe ee Xamar oo ay ku xiran yihiin Maxaabiis farabadan oo dambiyo kala duwan u xukuman,waxaana Xabsiga dhexe ee Xamar kusoo dhaweeyey Masuuliyiintan Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta, Cutub ka tirsan Ciidanka Asluubta ayeyna ugu horeyn salaan sharaf ka qaateen.
Gudoomiyaha Maxkamdda Sare ee Dalka iyo Masuuliyiintii la socday ayaa mid mid u soo maray qolalka ay ku xiran yihiin Maxaabiita, iyagoo si gaar ah Maxaabiista uga wareystay Noloshooda sida ay tahay iyo haddii ay jiraan waxyaabo ay tabanayaan, waxaana sidoo kale ay booqdeyn Masuuliyiintan Warshadda tababarka Maxaabiista ee Xabsiga dhexe ee Xamar oo Xilligii booqanayeen ay ka socotay Shaqooyinka caadiga ee Warshada ay qabato Maxaabiista ayaana ku hoolaneyd sameynta agabyada kala duwan ee warshada ay soo saarto oo ay ka mid yihiin qalab xafiiseedka Iwm.
Munaasabad kooban ayaa loo sameeyey Masuuliyiintii uu horkacayey Gudoomiayah Maxkamadda sare ee Dalka Dr Ibraahim iidle Suleymaan ,Waxaana mumaasabadda ugu horeyn ka hadlay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud bashiir Maxamed jaamac isagoo sheegay in Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu dajiyey Qorshayaal badan oo lagu hormarinayo Xabsiyada Guud ee Dalka,ayna ka go’an tahay in la dardar galiyo shaqooyinka qaranka ay u hayaan.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Ibraahim Iidle suleymaan oo Munaasadda soo xiray ayaa sheegay in Xabsiga dhexe uu ku arkay Horumar aad u weyn oo ay ka mid yihiin in dib loo soo celiyey Waxsoosaarkii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo in Maxaabiista ay iminka fursad u heleen Waxbarashada noocyadeeda kala duwan oo ay ku qaadanayaan gudaha Xabsiga dhowr iyo labaatan sano ka dib.