Taliyaha ciidanka dalka Uganda Gen. Katumba Wamala oo dhowaanahan booqasho ku joogay dalka, ayaa waxaa uu kormeerey fadhiisanka ciidanka midowga Afrika AMIOSM ย ay ku leeyihiin magaalo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose.
Booqashadiisa Baraawe, ayaa waxaa ku wehliyay saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo taliyaha ciidanka AMISOM Janaraal ย Cismaan Nuur Subagle.
Janaraal Katumba Wamala, oo hadal u jeediyay ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala deegaanadaas ayaa waxaa uu ku booriyay in ay u diyaargaroobaan sidii ula wareeji lahaayeen mas’uuliyadda sugida amniga wadanka.
Waxaa uu intaa ku daray, in AMISOM ay isu diyaarineyaan sidii dalka looga saari lahaa isla markaana mas’uuliyadda amniga wadanka lagu wareejin doono ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.
Saraakiishan ayaa sidoo kale, waxaa ay la kulmeen maamulka degmada iyo waxgaradka Baraawe ayagoo ka xog wareystay xaalada degmada iyo deegaanada hoos yimaada.
Bishii October, sanadkii 2014 ayaa maleeshiyaadka Al-shabaab ay ka xoreeyeen ciidanka xooga dalka iyo AMISOM magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose.