Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka ayaa kulan xogwareysi ah la qaatay Wasiirka Cadaaladda Dastuurka iyo Diinta ee Jubbaland Aaden Aw-hirsi oo dhawaan soo gaaray magaalada Columbus Ohio ee Dalka Mareykanka.
Kulankan oo ay soo abaabushay hay’adda Somali American Leadership Council ,waxa uu ahmiyad u alahaa kasoo qeybglayaal badan oo xog ka rabay in ay ka helaan deegaankaasi.
Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen dad u badan ganacsato iyo siyaasiyiin waxaa diiradda lagu saaray arimaha Horumarka iyo isbadalka ka jira dalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa bixiyay xogwareysi aad u dheer oo dhinacyo badna taabanaya, waxa uuna muujiyay sida wali loo sugayo doorka qurba joogta iyo sidii ay dalka dib ugu laaban lahayeen.
Dhinacyada Amniga, Ganacsiga, Waxbarashada, iyo arimaha qaxootiga la soo celiyay ayuu si weyn uga waramay waxayna dhamaan xogahan bixinayeen tusaalooyin sababaya in qurba joog badan ay ku dhiiradaan in ay dalka dib ugu laabtaan.
Aw-hirsi ayaa dhanka kale xusay sida wali ay gaabiska u yihiin arimaha la xariira xoreynta gobolka Jubbada Dhexe iyo deegaanano kale sbabo la xariira diyaargarow qaatay mudo.
Wasiirka ayaa dhanka kale soo hadal qaaday halka ay marayaan arimihii dib u heshiisiinta oo qabyo noqday dadbadan ka dhursugayaan, waxa uuna sheegay in ay wali jiraan isbadalo laga dhursugayo balse aan la laalin wada hadaladii oo ay sii socon doonaan.
Qeybihii kala duwanaa ee ka hadlay kulankan waxa ay sheegeen sida lagama maarmaan ay utahay in lagu laabto dalka lana taageero isbadalka jira, waxay baaq iyo codsi u direen Baarlamanka Soomaaliya oo ay ku tilmaameen in gacantooda ay ku jirto Mustaqbalkii Soomaaliya lagana sugayo in ay Taariikh qoranta sameyaan oo ay jilasha danbe dhaxlaan.
Waa markii ugu horeysay oo Wasiir ka socda Jubbaland uu yimaado Ohio tan iyo intii dhidibada loo taagay.
Deeqo Shire SONNA