Friday, July 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

C/raxmaan Beyle “Labada bisha waxaa bilaabaneysa hadal jeedinta musharixiinta ee baarlamaanka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
DAAWO-Wasiir Beyle oo dhigiisa dalka Cumaan ka helay casuumaad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in labada bishan ay bilaaban doonto hadal jeedinta murashaxiinta oo ay ka horjeedinayaan Baarlamaanka Federaalka.

Guddoomiyaha Guddiga Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in labada bishan ay si rasmi ah u bilaaban doonto hadal jeedinta nusharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee baarlamaanka, isagoo xusay in soo gudbin doonaan magacyada muddada saddexda maalin ee ay socon doonto hadal  jeedinta

Related posts

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

July 2, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026

“Labada bishan musharixiinta waxa ay baarlamaanka ka horjeedin doonaan khudbadahooda, maalintiina waa sideed, sidaas ayay ku noqoneysaa muddo saddex cisho ah, marka aan soo dirno magacyada musharixiinta, waa inay nuqul ka mid ah khudbadooda keenaan oo ay Xildhibaanada u qeybiyaan” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ah guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha J.S.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada ayaa sheegay in musharixinta ay weli heystaan fursad ay codkooda ku gaarsiin karaan bulshada, iyagoo u maraya Telefishinka Qaranka, isla markaana soo duubaya cod shan daqiiqo ah.

“Musharixiinta weli way keeni karaan cod shan daqiiqo ah oo uu kaga hadlayo waxqabadkiisa iyo qorshaha uu hiigsanayo, waxaana musharixiinta ay codadkaasi ku soo hagaajin karaan, Telefishinka Qaranka, waxaana ay heystaan fursad ay bulshada kula hadli karaan” ayuu yiri Cabdiraxmaan Ducaale.

 

 

Previous Post

Labo xarun ciidan oo laga hirgelinayo Koonfur galbeed Soomaaliya

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post
Barnaamijka Faaqidaada Wararka

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

Xuska 1-d Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee K/Sudan

July 2, 2026
0

Munaasabad lagu xusayay 66-sano guuradii kasoo wareegtay Xorriyadda iyo Midowgii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Jubba ee dalka Koonfurta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay munaasabadda qaran ee Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo...

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi iyo wacyigelin...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

June 30, 2026
0

Muqdisho, Juun 30, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In