Friday, November 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

C/raxmaan Beyle “Labada bisha waxaa bilaabaneysa hadal jeedinta musharixiinta ee baarlamaanka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
DAAWO-Wasiir Beyle oo dhigiisa dalka Cumaan ka helay casuumaad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in labada bishan ay bilaaban doonto hadal jeedinta murashaxiinta oo ay ka horjeedinayaan Baarlamaanka Federaalka.

Guddoomiyaha Guddiga Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in labada bishan ay si rasmi ah u bilaaban doonto hadal jeedinta nusharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee baarlamaanka, isagoo xusay in soo gudbin doonaan magacyada muddada saddexda maalin ee ay socon doonto hadal  jeedinta

Related posts

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

November 20, 2025
Shirka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray Abaarta Dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray Abaarta Dalka

November 20, 2025

“Labada bishan musharixiinta waxa ay baarlamaanka ka horjeedin doonaan khudbadahooda, maalintiina waa sideed, sidaas ayay ku noqoneysaa muddo saddex cisho ah, marka aan soo dirno magacyada musharixiinta, waa inay nuqul ka mid ah khudbadooda keenaan oo ay Xildhibaanada u qeybiyaan” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ah guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha J.S.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada ayaa sheegay in musharixinta ay weli heystaan fursad ay codkooda ku gaarsiin karaan bulshada, iyagoo u maraya Telefishinka Qaranka, isla markaana soo duubaya cod shan daqiiqo ah.

“Musharixiinta weli way keeni karaan cod shan daqiiqo ah oo uu kaga hadlayo waxqabadkiisa iyo qorshaha uu hiigsanayo, waxaana musharixiinta ay codadkaasi ku soo hagaajin karaan, Telefishinka Qaranka, waxaana ay heystaan fursad ay bulshada kula hadli karaan” ayuu yiri Cabdiraxmaan Ducaale.

 

 

Previous Post

Labo xarun ciidan oo laga hirgelinayo Koonfur galbeed Soomaaliya

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post
Barnaamijka Faaqidaada Wararka

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

November 20, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u magacaabay Dr. Yaxya Ibraahim Macalin La-taliyaha Sare ee Siyaasadda...

Shirka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray Abaarta Dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray Abaarta Dalka

November 20, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta ka qeyb galay shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirrada, kaas...

Wasaaradda Haweenka oo Xustay 10 sano guurradii heshiiska Xuquuqda Carruurta ee QM.

Wasaaradda Haweenka oo Xustay 10 sano guurradii heshiiska Xuquuqda Carruurta ee QM.

November 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka qayb galay munaasabad lagu xusayo sanad...

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay heshiisyo caalami ah.

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay heshiisyo caalami ah.

November 20, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In