Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdilaahi “Farmaajo” ayaa xalay casho sharaf u sameeyay murashaxiintii u tartameysay xilka madaxweynaha.
Ujeeddada kulanka uu madaxweyne Farmaajo la qaatay musharraxiinta, ayaa ahayd sidii looga wada shaqayn lahaa Qarannimada Soomaaliya iyo in xaalad kasta lagu wajaho wadajir.
Murashaxiintii tartamay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin caasumadda madaxwayne Farmaajo, waxa kale oo ay ballan qaadeen iney la shaqayn doonaan madaxwaynaha cusub si howlaha horyaala ugu guulaysto.
Madaxwayne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay musharraxiinta sida ay u aqbaleen caasumaaddiisa, wuxuuna sheegay inay ka go’an tahay ka miro dhalinta qorshihii uu ku soo bandhigay Baarlamaanka hortiisa, kaasoo hal ku dhig u ahayd nabad iyo nolal.
Sidoo kale madaxweyneynaha ayaa ku ammaanay musharaxiinta uu la kulmay taageeradii ay ay u muujiyeen, waxa uuna sheegay in mar walbo uu u baahan yahay taladooda iyo taageeradooda uuna soo dhaweyn doono.