Sunday, May 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu taageerayay Madaxweynaha la doortay ee Soamaaliya Mudane Maxamed Cabdulahi (Farmaajo) oo ka dhacday Phoenix Arizona USA.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Munaasabad lagu taageerayay Madaxweynaha la doortay ee Soamaaliya Mudane Maxamed Cabdulahi (Farmaajo) oo ka dhacday Phoenix Arizona USA.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Golaha Mustaqbalka ku casuumay kulan wadatashi ah

May 2, 2026
Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

May 2, 2026
Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka qeybgaleen dad aad u faro badan, isla markaana lagu taageerayay dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa ka dhacday Magaalada Phoenix ee dalka Mareykanka.
Munaasabaddan ayaa waxaa ka hadlay dad aad u badan kuwaasi oo taagero buuxda u mujiyay madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Ugu horreyn waxaa munaasabadda ka hadlay Mustafa  Haji Af-Balaadh Gudoomiyaha Somali Association Of Arizona oo ku hadlayay magaca dadkii soo qabanqaabiyay munaasabadda, wuxuuna u mahadceliyay dadkii ka soo qeybgalay munaasabadda oo uu sheegay in ay ka kala yimaadeen Magaalooyinka kala duwan ee Gobalka Arizona.
Intaas kaddib Musatafe Xaaji waxaa uu sheegay in munaasabadda ay u qabteen in ay taageeraan dowladda cusub ee Soomaaliya, gaar ahaan madaxda tayada leh ee la doortay, wuxuuna madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo u rajeeyay in uu Allaah u fududeeyo xilka loo doortay.   Sidoo kalena wuxuu bogaadiyay madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxmuud oo uu halyeey Soomaaliyeed ku tilmaamay, isagoo xusay in Xasan Sheikh Maxamuud iyo xukuumadihii la soo shaqeyay ay soo gaarsiiyeen dalka meel ay dadka Soomaaliyeed dhammaantood ku niyad-weyn yahiin.
Sidoo kale waxaa munaasabadda ka hadlay Cabdifitax Ahmed Cabdikariin wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay maanta heystaan fursad ay kula  shaqeyn karaan dowladda Somaaliya maadama la doortay Madaxweyne  ku yimid rabitaanka bulshada Soomaaliyeed waa siduu hadalka u dhigaye.
waxuu intaas ku daray Cabdifitaax in dadka Soomaaliyeed ay u gurmadan sidii loo dhisi lahaa Ciidamada Qaran oo ay yeelato Dowladda dhexe ee Soomaaliya mushaarkodane ay bixiyaan Jaaliyadaha dibada.
Dhanka kale waxaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay Munaasabadda loogu dabaal-dagayay Madaxweeynaha la doortay ee Soomaaliya (Farmaajo) Sacdiyo Abdirizaq oo ka mid aheyd  madax Jaaliyadda Soomaaliyed ee Arizona oo tilmaantay in maanta ay Soomaaliya Fursad u heysato sidii ay cagahooda dib isugu soo taagi lahaayen lana jaan qaadi lahayen caalamka intiisa kale.
Col Jamac Bariir oo ka mid ah saraakiishii hore ee Ciidamaddii Soomaaliya ayaa isagana munaasabadda ka hadlay, wuxuuna talo u jediyay madaxweynaha la doortay in la soo celiyo saraakiishii hor ee ciidamada, lana howlgeliyo, wuxuuna madaxweynaha ka codsaday in uu arrimaha amniga xoogga saaro iyo dhaqaalaha si macluush iyo Ciidan la,aanta Soomaaliya looga samata-bixiyo
Ugu dambeyntiina waxaa si wada jir ah munaasabadda usoo gabagabeyay madaxda Jaaliyadda Soomaalyeed ee Somali Associan Of Arizona Hambalyo iyo Bogaadine u jeediyay Madaxweynaha Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Baarlamanka Soomaaliyeed ee la doortay.
Abdulrahman D Nur
Radio Muqdisha Phoenix Arizona.
[email protected]
IMG_3372 IMG_3370 IMG_3285 muki
Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Gen. Cadde Muuse oo maanta Boosaaso lagu aasayo

Next Post
Gen. Cadde Muuse oo maanta Boosaaso lagu aasayo

Gen. Cadde Muuse oo maanta Boosaaso lagu aasayo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Golaha Mustaqbalka ku casuumay kulan wadatashi ah

May 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ka duulaya kulamadii iyo wada-tashiyadii gaarka ahaa ee uu muddooyinkii...

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

May 2, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradda, Xildhibaan Aamina Xuseen Cali ayaa maanta magaalada...

Munaasabad lagu xusayay 1-da May oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayay 1-da May oo lagu qabtay Muqdisho

May 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad si heer sare...

Dowladda Soomaaliya oo ammar ku bixisay in laga guuro dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Dowladda Soomaaliya oo ammar ku bixisay in laga guuro dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

May 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa si faahfaahsan u sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In