la-taliyihii dhinaca amniga ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa iska casilay xilka wax ka yar bil kaddib markii lagu eedeeyay in uu xiriir la saneeyay Danjiraha Ruushka u fadhiya dalka Mareykanka.
Mr Michael Flynn ayaa isagu go`aansaday in uu xilka iska casilo ka hor inta uusan eryin madaxweynaha.
Mas’uulikan ayaa lagu eedeeyay in bishii Desember ee sannadkii tegay uu Danjiraha Ruushku kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin cunaqabateynta la saaray Ruushka oo uu maamulka Obama hormuudka ka ahaa iyo sidii loo dabcin lahaa, waxaana ay arrintani dhacday ka hor inta aan loo magacaabin jagada la taliyenimo.
Mr Michael Flynn oo ka hadlayay istiqaaladiisa ayaa sheegay in ay ka aqbaleen mdaxweynaha iyo ku xigeenkiisaba, waxaana uu intaa raaciyay in uu raalli-gelin ka bixinayo arrintasi.