Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaalida Mareykanka ku nool oo qabtay xaflad lagu taageerayo Dowladda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Soomaalida Mareykanka ku nool oo qabtay xaflad lagu taageerayo Dowladda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Boqolaal Soomaali ah ayaa soo buuxdhaafiyay goob lagu qabanayay xaflad lagu taageerayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha magacaaban Mudane Xasan Cali Kheyre.

Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Columbus ayaa qaar kamid ah ka soo qeybgalaaasha oo ka yimid gobolo kala duwan oo gudaha dalka Mareykanka, waxa ay si wada jir ah u muujiyeen dareenkooda ku aadan isbadalka Dalka iyo sida ay ugu faraxsanyihiin.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee xilligan iyo kuwii hore ayaa dhankooda ka qeyb qaadanayay xafladda, waxa ayna ka soo jeediyeen hadalo aad u qiimo badan oo ku aadan xaaladda dalka Soomaaliya iyo kaalinta qurba joogtu ka cayaari karto isbadalka wadanku galay.

Dhinacyada Maalgashiga, Siyaasada, Caafimaadka, Waxbarashada, Abuurista Xirfado iyo waxyaabo badan oo aasaasi u ah bulshada ayay Xildhibaanadu ka codsadeen qurba joogta in ay dalka ku soo biiriyaan, ayaga oo u mahadceliyay qurba joog badan oo aqoontooda iyo hantidooda dalka geeyay isbadalna abuuray.

Culimada ayaa aad ah uga hadashay arrimaha la xariira Abaaraha, waxana xafladda looga duceeyay shacabka iyo dalka Soomaaliyeed in Alle ka qaado abaarta Madar qeyr qabana uu siiyo.

Fanaaninta Midnimo ayaa dhankooda Heeso wadani iyo guubaabo ah ka qaaday xafladan, waxayna ka mid ahayd xafladaha ugu waaweyn ee laga dhigay magaalada Columbus Ohio.

Waxaa dadkii soo abaabulay ugu danbayn ay ku dhawaaqeen in ay abaaraha u hayaan dhaqalo badan kuwa kalana ay ku guda jiraan diyaarintooda, taas oo wax un kaalmaa ka gaysan karta xaaladaha abaaraha ee ka jira Soomaaliya.

 

  

Deeqo SONNA

 

Previous Post

Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha oo la damiyay

Next Post

Guddoonka Golaha Shacabka Oo Shaaciyey In Kalfadhiga 1aad Uu Si Rasmi Ah U Furmi Doono…WARSAXAAFADEED

Next Post
Guddoonka Golaha Shacabka Oo Shaaciyey In Kalfadhiga 1aad Uu Si Rasmi Ah U Furmi Doono…WARSAXAAFADEED

Guddoonka Golaha Shacabka Oo Shaaciyey In Kalfadhiga 1aad Uu Si Rasmi Ah U Furmi Doono...WARSAXAAFADEED

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In