Munaasabadan ay ku qalin badalanayeen qaar ka mid ah arday dhameysatay luuqada English ka iyo barnamijka aas aasiga u ah Jaamacadda City {foundation program} ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah gudoomiyasha degmooyinka gobolka benadir, bahda waxbarashada, Madax ka socotay Jaamacadaha qaar, waalidiin iyo ardayda Jaamacadda, xafladaas oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda City ee Yusuf Al-kawnayn ee magalada Muqdisho.
Qaarka mid ah dadkii ka hadlay xafladda ayaa soo dhaweeyey hanaanka tayaynta tacliinta sarre ee Jaamacadda City, iyagoo ardayda ugu baaqay inay heystaan fursad dahabi ah oo aysan helin ardayda asaagooda ah ee wax kabarato gudaha dalka soomaliya.
Prof Yaasin Barkhadle, Guddoomiye kuxigenka dhanka wax barashada ee Jamacadda City oo furay munasabada ayaa sheegay in Jaamacadda City ay haldoor u tahay wax barashada Soomaliya, asagoo balan qaaday in Jaamacada City looga maarmi doono in wax barasho dibada loo aado.
Daa’uud Yuusuf Maxamed Madaxa Barnaamijka aas aasiga waxbarashada ee Jaamacadda City ayaa sheegay in ujeedka ay u qaateen barnaamijkan uu yahay sidii ardayda looga dhisi lahaa dhanka luuqadda Englishka iyo xisabta , isla markaana ay sal u yihiin sare u qaadidda tacliinta sare ee dalka.
Drs Sacdiyo Maxamuud Maxamed oo ku hadlaysay magaca waalidiinta xafladda ka qeyb galay ayaa bogaadisay maamulka iyo ardayda Jaamacadda City, iyadoo xustay inay jamacadda city ay qaadatay tillaabo geesinimo leh waxtarna uah ardayda nasiibka uyeelatay inay kafaidaystaan barnamijkan.
Guddoomiyaha Jaamacadda City Prof Cabdullaahi Axmed Bariise oo soo xiray xafladda ayaa sheegay in barnaamijkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay bulshadeena, sababta ay u qaateenna ay tahay sidii ardayda looga dhisi lahaa dhanka luuqadda, maadaama ay maadooyinka ku qaadanaayan luuqadda English ka.
Gabo gabadii xafladda ayaa waxaa abaalmarino kala duwan la guddoonsiiyay qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda ee dadaalka badan u muujisay sare u qaadidda aqoontooda luuqadeed, iyagoo goobta ku soo bandhigay ruwaayad ka turjumeysa muhiimaddu ay waxbarashadu leedahay.