Tuesday, April 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo soo dhaweeyay Ansixinta golaha Wasiirada

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle oo soo dhaweeyay Ansixinta golaha Wasiirada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa soo dhaweeyey ansixintii Golaha Wasiirrada cusub ee Hirshabeelle ee uu dhowaan soo magacaabay, iyadoo Baarlamaanka Hirshabeelle tallaabada horumarka leh ay Codka Kalsoonida ku siiyeen Golaha Wasiirada uu ku ammaanay.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026

Barlamaanka ayaa maanta u codeeyay si aqlabiyad ahna ku ansixiyay xukuumadda cusub ee uu Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble soo dhisay dhowaan, kuwaasi oo la filayo in ay ka soo dhalaalaan waajibaadka Qaran ee loo igmaday, iyadoo Wasiirrada maanta la ansixiyay ugu hambalyeeyay waajibaadka shaqo ee u billaabatay, waxaana uu faray in bulshada ay tusiyaan waxqabad muuqda.

“Waxaan soo dhaweynayaa isla markaana ammaanayaa sida mas’uuliyadda ku jirto ee Dimuqraadiyadda ah  ee baarlamaanka Hirshabeelle u ansixiyeen wasiirada. Tani waa tallaabo dhanka horumarka loo qaaday oo ay tahay shaqsi walba inuu soo dhaweeyo, Ansixintan Golaha Wasiirada oo matala dhammaan shacabka Deeganada Hirshabeelle ahna danta shacabka ayaa waxay shacabka iyo caalamkaba tuseysaa in hay’adaheenna dowliga ah ay yihiin kuwo mas’uuliyada ballaaran ee saaran u gudan kara si muhiim ah,” ayuu yiri madaxweynaha Hirshabeelle.

Sidoo kale, madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Cosoble  oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Waxaa hadda lama huraan ah in xukuumadda cusub ay billowdo howlaha muhiimka ah ee horyaalla, hase ahaatee dadkeenu waxay ka sugayaan in horumar laga sameeyo dhan walba.”

Ugu dambeyn, Madaxweyne Cosoble wuxuu hadalkiisa ku sheegay in  Barlamaanka uu horyaallo ka doodista shaqooyinka laga sugayo iyo shuruucda muhiimka u ah dowladnimada loona baahan yahay in ay taasi xoojiyaan.

Previous Post

Astaanta Aqalka sare oo la soo saaray maanta-Sawirro

Next Post

Wariye ku dhaawacmay Qarax loogu xiray gaarigiisa Saakay

Next Post
Wariye ku dhaawacmay Qarax loogu xiray gaarigiisa Saakay

Wariye ku dhaawacmay Qarax loogu xiray gaarigiisa Saakay

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa maanta ka qaybgalay kulan ku saabsan doorka...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa kulan kula yeeshay xarunta...

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

April 13, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka...

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

April 13, 2026
0

Golaha Wasiiradda XJFS ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, xilkaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In