Friday, June 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu taageerayay madaxda sare ee dalka oo lagu qabtay Switzerland+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Munaasabad lagu taageerayay madaxda sare ee dalka oo lagu qabtay Switzerland+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu taageerayo Dowladda cusub ee Soomaaliya ka dhalatay isla markaana dhaqaalo loogu uruurinayo shacabka Soomaaliyeed ee ku tabaaloobay abaarta ba’an ee ka jirta dalka ayaa lagu qabtay Magaalada Geneva ee Switzerland.

Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan Bulshada Soomaaliyeed ee deggan Dalka Switzerland.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taalada Dhagax-tuur

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taalada Dhagax-tuur

June 26, 2026
Madaxweynaha Burkina Faso, oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Burkina Faso, oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

June 26, 2026

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa laga soo jeediyay khudbado kala duwan iyadoo dadkii  hadlay  dhamaantood ay aad u taageereen natiijadii doorashada ka dhacday dalka.

Dabbaal dagga Taageerada Madaxda sare ee Dalka waxaa garab socoday Taageero kale oo dhaqaalo aruurin loogu sameeynayay dadka Soomaaliyeed oo ay sida weyn u saameysay abaarta ka jirta Dalka.

Geesta kale waxaa madasha ku sugnaa Fanaaniinta ugu caansan Switzerland sida Alfanaan Samatar Samj iyo Fanaan Idris Akram iyo kooxda dhaantada ee Sagal oo ka dhisan Gudaha Dalka Switzerland.

Ugu danbeyntii Xafladan ayaa waxa ay ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan.

Previous Post

Shir looga hadlayay xoojinta iyo ballaarinta garsoorka dalka oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Next Post

Wasaaradda beeraha Soomaaliya oo sheegtay in shan malyan oo Soomaali ah ay xaalad adag ku jiraan xiligaan

Next Post
Wasaaradda beeraha Soomaaliya oo sheegtay in shan malyan oo Soomaali ah ay xaalad adag ku jiraan  xiligaan

Wasaaradda beeraha Soomaaliya oo sheegtay in shan malyan oo Soomaali ah ay xaalad adag ku jiraan xiligaan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taalada Dhagax-tuur

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taalada Dhagax-tuur

June 26, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya maamuuska halyeeyadii naf u huray soo dhicinta gobanimada dalkeenna...

Madaxweynaha Burkina Faso, oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Burkina Faso, oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

June 26, 2026
0

Danjiraha JFS ee dalka South Sudan, isla markaana ah Danjiraha Ma-degenaha ah ee Soomaaliya ee Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

June 26, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qayb galay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusay 66 sano...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

June 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa isaga oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, hambalyo iyo bogaadin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In