Wednesday, August 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo la kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo la kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Xoghaya arrimaha dibadda Dowladda Ingiriiska Boris Jonhson, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira Amaanka,abaaraha,iyo Horumarinta Maamulka Hirshabeelle.

Kulankani oo ka dhacay safaaradda ingiriiska ay ku leedahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa masโ€™uuliyiin ka tirsan labadda gole ee dowlad goboleedka Hirshabeelle waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday arrimaha la xiriira amniga deegaanada Hirshabeerlle iyo abaaraha baahsan ee jira, iyadoo xoghayuhu uu balanqaaday ka dowlad ahaan in ay garab istaagi doonaan maamulkani hodanka ku ah Kheyraadka ilaah uu ku maneystay.

Related posts

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

August 19, 2026

Xoghayaha arrimaha dibadda Dowladda Ingriiska Boris Jonhson oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay la kulanka madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, isagoo hoosta ka xariiqay in dowladda Ingiriiska ay sii wadi doonto kaalmada maamulada ka jira dalka gaar ahaan soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha oo Hirshabeelle ay ka caawin doonto sidii looga horumarin lahaa dhinacyada ย caafimaadka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dib u dhiska guud, iyo amniga.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullahi Cosoble oo isna ka hadlay kulankaasi ayaa mahadcelin kaddib, waxa uu xusay in maamulkiisa uu aad u soo dhoweynayo kulanka ay la yeesheen Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Ingriiska, isagoo Xusay in maamulkiisu uu yahay mid curdun ah oo u baahan kaalmada Dowladda Ingiriiska waxaana uu ka dalbaday in laga gacansiiyo dhisida iyo xoojinta heyโ€™adaha maamulka, horumarinta deegaanada Hirshabeelle, Amniga, Abaaraha, iyo baahiyaha ay qabaan ka maamul ahaan maadaama maamulkiisu uu cusubyahay, iyadoo kulankaasi uu ku soo dhamaaday is fahan iyo afgarasho.

Madaxweynha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Wafdi Uu hogaaminayo ayaa Maanta u soo gaaray Magaalada Muqdisho howlo shaqo, iyadoo inta uu ku suganyahay Madaxweynuhu Kulamo uu la qaadan doono Madaxda Dowladda Federaalka, iyo Diblomaasiyiin Ka tirsan Saaxiibada Soomaaliya ee Caalamka.

Previous Post

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo ka qeyb galay xiritaanka tababar loo qabtay Xildhibaannada Jubbaland

Next Post

Qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Koofur Afrika oo caqabad soo wajahday.

Next Post
Heshiis laga gaaray rabshad ka dhacday goobo  Soomaalida Koonfur Afrika ku ganacsadaan

Qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Koofur Afrika oo caqabad soo wajahday.

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo dhiggiisa dalka Masar, Badr Abdelatty, ayaa Talaadadii khadka taleefanka wada-hadal ku...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

August 19, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka Boqortooyada...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐ก๐š ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‡๐ข๐ง๐๐ข๐ฒ๐š

August 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Danjiraha cusub ee dalka Hindiya u soo magacowday...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Daโ€™yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku daahfurtay Sharciga Cadaaladda Daโ€™yarta Soomaaliyeed, oo ah Sharci...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In