Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dibadbax baarlamanka looga dalbanayay ansixinta wasiirrada cusub oo lagu qabtay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Dibadbax baarlamanka looga dalbanayay ansixinta wasiirrada cusub oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Banaanbax ay ka qeybgaleen dadweyne farabadan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, laguna dalbanayay in baarlamanka uu codka kalsoonida siiyo wasiirrada uu dhawaan magacaabay R/wasaare Xasan Cali Kheyrre ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Dibadbaxan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Giuddoomiyaha Gobalka Banaadir ah ahna Duqa Magaalada Muqdisho,  gudoomiye ku xigeennada gobalka, qaar ka mid ah guddoomiyayaasha degmooyinka Gobalka, Saraakiisha laamaha amniga, gudoomiyaasha Ururka Haweenka Gobalka, kan Qaranka iyo dadweyne farabadan.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Dadweynaha ka qeyb galay banaanbaxaasi  oo watay calanka Jamhuuriyadda, sawirrada madaxweynaha iyo kan R/wasaaraha ayaa ku dhawaaqay kalmado ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan dowladda, iyagoo baarlamanka ka codsaday in ay si aqlabiyad leh ku ansixiyaan wasiirrada cusub si ay dhaqsi u howlgalaan.

Guddoomiye Ku xigeenka Siyaasadda iyo amiga Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye “Yabooh”, Gudoomiyayaasha Ururrada Haweenka Qaranka iyo kan Gobalka Banaadir Jawwhir Baarqab iyo Batuula Sheekh Axmed Gabballe ayaa goobta uu dibadbaxa ka socday ka sheegay in mas’uul iyo shacabba laga wada qeyb qaato sidii dalka looga saari lahaay marxaladaha adag ee uu ku jiro.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo Fagaaraha taallada Daljirka Dahsoon kula hadlay dibadbaxayaasha ayaa  ka codsaday Mudanayaasha Barlamaanka Soomaliya in ay tixgaliyaan codsiga shacabka banaanbaxa isugu yimid.

Previous Post

Galmudug oo soo dhaweeysay codsigii R/wasaaraha ee ahaa in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha maamulkaasi+War-saxaafadeed

Next Post

Taliyaha ciidanka Booliiska oo guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha guddoonsiiyay deeq lacageed+Sawirro

Next Post
Taliyaha ciidanka Booliiska oo guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha guddoonsiiyay deeq lacageed+Sawirro

Taliyaha ciidanka Booliiska oo guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha guddoonsiiyay deeq lacageed+Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In