Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dibadbax baarlamanka looga dalbanayay ansixinta wasiirrada cusub oo lagu qabtay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Dibadbax baarlamanka looga dalbanayay ansixinta wasiirrada cusub oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Banaanbax ay ka qeybgaleen dadweyne farabadan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, laguna dalbanayay in baarlamanka uu codka kalsoonida siiyo wasiirrada uu dhawaan magacaabay R/wasaare Xasan Cali Kheyrre ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Dibadbaxan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Giuddoomiyaha Gobalka Banaadir ah ahna Duqa Magaalada Muqdisho,  gudoomiye ku xigeennada gobalka, qaar ka mid ah guddoomiyayaasha degmooyinka Gobalka, Saraakiisha laamaha amniga, gudoomiyaasha Ururka Haweenka Gobalka, kan Qaranka iyo dadweyne farabadan.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Dadweynaha ka qeyb galay banaanbaxaasi  oo watay calanka Jamhuuriyadda, sawirrada madaxweynaha iyo kan R/wasaaraha ayaa ku dhawaaqay kalmado ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan dowladda, iyagoo baarlamanka ka codsaday in ay si aqlabiyad leh ku ansixiyaan wasiirrada cusub si ay dhaqsi u howlgalaan.

Guddoomiye Ku xigeenka Siyaasadda iyo amiga Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye “Yabooh”, Gudoomiyayaasha Ururrada Haweenka Qaranka iyo kan Gobalka Banaadir Jawwhir Baarqab iyo Batuula Sheekh Axmed Gabballe ayaa goobta uu dibadbaxa ka socday ka sheegay in mas’uul iyo shacabba laga wada qeyb qaato sidii dalka looga saari lahaay marxaladaha adag ee uu ku jiro.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo Fagaaraha taallada Daljirka Dahsoon kula hadlay dibadbaxayaasha ayaa  ka codsaday Mudanayaasha Barlamaanka Soomaliya in ay tixgaliyaan codsiga shacabka banaanbaxa isugu yimid.

 

Previous Post

Galmudug oo soo dhaweeysay codsigii R/wasaaraha ee ahaa in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha maamulkaasi+War-saxaafadeed

Next Post

Taliyaha ciidanka Booliiska oo guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha guddoonsiiyay deeq lacageed+Sawirro

Next Post
Taliyaha ciidanka Booliiska oo guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha guddoonsiiyay deeq lacageed+Sawirro

Taliyaha ciidanka Booliiska oo guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha guddoonsiiyay deeq lacageed+Sawirro

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In