Tuesday, October 28, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wefdi midowga Afrika ka socda oo Kismaayo kula kulmay madaxweynaha Jubaland-Sawiro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Wefdi midowga Afrika ka socda oo Kismaayo kula kulmay madaxweynaha Jubaland-Sawiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta aqalka martida ee magaalada Kismaayo kulan kula qaatay wafdi balaaran oo uu hogaaminayo guddoomiyaha golaha Amniga iyo nabadgelyada ee Midowga Africa Ndumiso Ntshinga.

Related posts

C/casiis Golfyare oo loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka

C/casiis Golfyare oo loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka

October 27, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Saalim Caliyow u magacaabay Wasiirka shaqada

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Saalim Caliyow u magacaabay Wasiirka shaqada

October 27, 2025

Dhamaan Safiirada shan iyo Tobanka wadan ee xubnaha ka ah golaha Amniga iyo nabadgalyada ee Midowga Africa ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyadoo ay wehelinayeen khuburo dhinaca ammaanka ah.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa marka hore uga mahad celiyay kaalmada dalalka Midowga Africa ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan dhinaca ammaanka, isagoo sheegay in AMISOM ay kaalin muuqata ku leedahay horumarka wadanka Soomaaliya, waxaana uu ku booriyay dalalka Midowga Africa gaar ahaan golaha amniga iyo nabadgelyadu in ay Soomaalida ku garab istaagan qorshaha dhismaha ciidamada qaranka maadama ay tahay sida kaliyah ee dhibaatada lagaga bixi karo.

Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay in ay ka hawlgalaan Ciidamo ka socda AMISOM oo Nabadgalyada kala shaqeeya ciidamada iyo hay’adaha ammaanka dowlada waxaana uu hoosta ka xariiqay in loo bahan yahay in la dardar galiyo dhamaan dadaalada nabadgalyada gobolka.

Gudoomiyaha Golaha Amniga iyo nabadgelyada ee Midowga Africa Ndumiso Ntshinga. ayaa sheegay in Jubbaland ay tahay tusaale wanaagsan oo hananka ammaanka iyo dowlad wanaaga lagaga dayan karo.

Midowga Africa ayuu sheegay in ay Jubbaland ka caawin doonan dhamaan hawlaha la xiriira Nabadgalyada oo uu xusay in Jubbaland ay guul ka gaartay taas oo u baahan in la sii adkeeyo.

 

Previous Post

Puntland oo bilaabaysa  Xisbiyo siyaasadeed

Next Post

Madaxweynaha Hirshabelle oo Beledweyne kula kulmay bahda waxbarashada-Sawirro

Next Post
Madaxweynaha Hirshabelle oo Beledweyne kula kulmay bahda waxbarashada-Sawirro

Madaxweynaha Hirshabelle oo Beledweyne kula kulmay bahda waxbarashada-Sawirro

C/casiis Golfyare oo loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka

C/casiis Golfyare oo loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka

October 27, 2025
0

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS, Mudane Cabdixakiin Maxamed Yuusuf ayaa u magacaabay Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Golfyare), Agaasimaha Waaxda Warfaafinta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Saalim Caliyow u magacaabay Wasiirka shaqada

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Saalim Caliyow u magacaabay Wasiirka shaqada

October 27, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya....

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Mashruuc cuno qeybin ah oo laga daah-furay Hirshabeelle

October 27, 2025
0

Wajiga koowaad ee mashruuc cuno qeybin ah oo socon doona muddo saddex bilood ah ayaa laga bilaabay degmooyinka Jalalaqsi iyo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho laba maalmood ah ku jooga magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho laba maalmood ah ku jooga magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda

October 27, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalmood...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In