Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu sagootiyay Safiiro ka socday Midowga Afrika oo u joogay magaalada Muqdisho qiimeynta ammniga Dalka.
Safiirradaan oo maal mihii dambe ku sugnaa Magaalada Muqdisho si ay qiimeyn ballaaran ugu sameeyaan Horumarka dalka ka jira ayaa waxa ay ka dhacday xarunta tababarka ciidanka Boliiska ee Janaraal kaahiye iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirka koowaad ee dalka, siihaya wasiirka Amniga taliyaha Ciidanka Boliiska iyo Mas’uuliyiin kale.
Taliyaha Ciidanka Boliiska Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud ayaa sheegay in Nabadda ka Jirta dalka ay sababtay wada shaqeynta ka dhexeysa Dowladda iyo Shacabka iyo Dowladaha Soomaaliya ugu deeqay Ciidamada si amniga dalka ay kala shaqeyaan Ciidamada Qaranka.
Qaar ka mid ah Safiirradii ka socday Midowga Afrika ee maal mahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa Caddeeyay in Dadka Soomaaliyeed ay heegan ugu jiraan ka shaqeynta Amniga dalka Horumarro bandan oo dhanka Adeegyada Bulshada laga sameynayana ay ka socdaan Caasimadda.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ugu dambeyn sheegay in Madaxda Qaranka ay diyaar u yihiin soo celintii karaamada Umadda Soomaaliyeed wax kasta oo horay u dhacayna ay ku badali doonaan Dhanka wanaagga.