Friday, May 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka booliiska oo tababar u furay dhallinyaro loo qaatay Leyli Sarkaal+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka booliiska oo tababar u furay dhallinyaro loo qaatay Leyli Sarkaal+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa tababar u furay dhallinyaro jaamiciyiin ah oo ku soo biiray ciidanka booliiska laguna qaatay darajada Leyli Sarkaal.

Munaasabaddi furitaanka tababarka oo ka dhacday Akadeemiyada Booliiska ee Jeneraal kaahiye ayaa waxaa goob joog ka ahaa,  Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir,  Guddoomiyaha Maxkamadda Ragcaanka Mudane Sheekh Saalax, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Mudane Awees. iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Darajada Koowaad G/Sare. Shuute.

Related posts

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

May 7, 2026
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan la qaatatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan la qaatatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM

May 7, 2026

Tababarka loo furay dhallinyaradan ayaa socon doona muddo Afartan iyo Shan cisho ah, waxayna qaadan doonaan casharro ku saabsan shuruucda booliiska, dhalinyaradan oo gaaraya ku dhawaad 50 ayaa ah jaamiciyiin ku soo biiray ciidanka booliiska iyadoo loo qaatay Leyli Sarkaal.

S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa, isagoo ku boorriyay dhallinyarada tababarka loo furay iney si akhlaaq, karti iyo hufnaan leh u qaataan casharrada ay qaadanayaan muddada uu socdo tababarka.

Jeneraal Xaamud ayaa talaabo horumar leh ku tilmaamay in dhallinyaro ka soo baxday jaamacadaha dalka ay ku soo biiraan ciidanka booliiska, isagoo hoosta ka xariiqay in ciidanka booliiska uu ku tallaabsaday horumarro loo aayo oo kaabi karta tayada ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Previous Post

Golaha ammaanka ee Q. M. oo ku baaqay mamnuucidda hubka Nuklerka ah.

Next Post

Duulimaadkii u horeeyay oo toos ah Muqdisho iyo Nairobi oo saaka bilaabanaya

Next Post
Shaqaalaha diyaaraddii Ku soo Dhacday Carbiska oo loo duulinayo dalkooda

Duulimaadkii u horeeyay oo toos ah Muqdisho iyo Nairobi oo saaka bilaabanaya

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

May 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kulan mira...

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan la qaatatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan la qaatatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM

May 7, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan la yeelatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xoojinaysa Iskaashiga Adeegyada Baasaboorrada iyo Socdaalka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xoojinaysa Iskaashiga Adeegyada Baasaboorrada iyo Socdaalka

May 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta xarunta Wasaaradda...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

May 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa xarigga ka jaray qeybo si heersare...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In