Sunday, December 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka booliiska oo tababar u furay dhallinyaro loo qaatay Leyli Sarkaal+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka booliiska oo tababar u furay dhallinyaro loo qaatay Leyli Sarkaal+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa tababar u furay dhallinyaro jaamiciyiin ah oo ku soo biiray ciidanka booliiska laguna qaatay darajada Leyli Sarkaal.

Munaasabaddi furitaanka tababarka oo ka dhacday Akadeemiyada Booliiska ee Jeneraal kaahiye ayaa waxaa goob joog ka ahaa,  Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir,  Guddoomiyaha Maxkamadda Ragcaanka Mudane Sheekh Saalax, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Mudane Awees. iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Darajada Koowaad G/Sare. Shuute.

Related posts

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

December 21, 2025
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb-galay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb-galay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 21, 2025

Tababarka loo furay dhallinyaradan ayaa socon doona muddo Afartan iyo Shan cisho ah, waxayna qaadan doonaan casharro ku saabsan shuruucda booliiska, dhalinyaradan oo gaaraya ku dhawaad 50 ayaa ah jaamiciyiin ku soo biiray ciidanka booliiska iyadoo loo qaatay Leyli Sarkaal.

S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa, isagoo ku boorriyay dhallinyarada tababarka loo furay iney si akhlaaq, karti iyo hufnaan leh u qaataan casharrada ay qaadanayaan muddada uu socdo tababarka.

Jeneraal Xaamud ayaa talaabo horumar leh ku tilmaamay in dhallinyaro ka soo baxday jaamacadaha dalka ay ku soo biiraan ciidanka booliiska, isagoo hoosta ka xariiqay in ciidanka booliiska uu ku tallaabsaday horumarro loo aayo oo kaabi karta tayada ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Previous Post

Golaha ammaanka ee Q. M. oo ku baaqay mamnuucidda hubka Nuklerka ah.

Next Post

Duulimaadkii u horeeyay oo toos ah Muqdisho iyo Nairobi oo saaka bilaabanaya

Next Post
Shaqaalaha diyaaraddii Ku soo Dhacday Carbiska oo loo duulinayo dalkooda

Duulimaadkii u horeeyay oo toos ah Muqdisho iyo Nairobi oo saaka bilaabanaya

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

December 21, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta isbitaalka Digfeer ku booqday dadkii...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb-galay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb-galay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 21, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qayb galay munaasabad isugu jirtay soo-dhaweyn iyo...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

December 21, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa guddoomiyay shir muhiimaddiisu sarreyso oo lagaga arrinsanayay...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed munaasabadda 82-guurada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In