Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee XFS, Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ayaa maanta kulan la xiriiray habsami u socodsiinta howlaha warfaafinta la qaatay shaqaalaha iyo madaxda waaxyaha ee Wasaaradda.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee XFS, Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in maanta Madaxdii Wasaaradda iyo shaqaalaha ay yeeshaan kulan wadatashi ah si loo dar-dargaliyo shaqada Wasaaradda ay u heyso Umadda Soomaalieed.
Uganbeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaqaalaha Wasaaradda ugu baaqay in shaqadooda ay dar-dargaliyaan ,isagoona balanqaaday in xuquuqdooda ay joogteen doonaan.
C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala oo ah Agaasimaha Guud ee kmg Wasaaradda Warfaafinta aya ku ammaanay shaqaalaha wasaaadda howlkarnimada iyo daacadda ay u yihiin shaqadooda,isagoo xusay in saacado badan ku jiraan howlaha ay u hayaan umaada,wuxuuna ugu baaqay n ay halkaasi ka sii wqadaan adeegyada lama huraanka ah ee ay ka sugayaan dadka iyo dalka.