Friday, March 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dowlad-goboleedka Galmudug oo ka warbixiyay wax-qabadkiisa+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dowlad-goboleedka Galmudug oo ka warbixiyay wax-qabadkiisa+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dowlad goboleedka Galmudug Avv. Yaxye Sheekh Cali oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa ka warbixiyay waxqabadkiisa wixii ka dambeeyay markii loo magacaabay xilkaasi.

Avv. Yaxye Sheekh Cali oo dabayaaqadii bishii December ee sanadkii tegay loo magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dowladgoboleedka Galmudug ayaa tilmaamay in uu mudnaanta koobaad siiyay sidii maxkamadaha kala duwan ee qaada dacwooyinka looga furi lahaa dhammaan deegaannada Galmudug si ummaddu u hesho nidaam garsoor oo ku dhisan caddaalad.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026

Guddoomiye Yaxye ayaa hoosta ka xarriiqay in dhammaan deegaannada hoos yimaadda maamulka Galmudug ee gacanta ugu jira maamulka uu ka hirgeliyay maxkamadaha madaniga iyo Racfaanka, isagoo intaa raaciyay in loo dhameystiray aqabkii ay ku howlgeli lahaayeen garsoorayaasha.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu tibaaxay in bishii Janaayo uu si rasmi ah maxkamadaha uga furay degmooyinka kala ah Cadaado, Cabuudwaaq, Ceelbuur, Balanbal, Xeraale, Hobyo,  Gaalkacyo  kuwaasoo ka kala tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud.

“31 Garsoore ayaa ka howlgasha maxkamadaha aan ka furnay labada gobol, waxeeyna qaadeen muddadaasi kiisas ciqaabeed dhan 2010 iyo 170 ah dacwooyin madani ah, haddana way socdaan kiisaska dacwooyinka oo ay qaadayaan maxkamadahaasi” ayuu yiri Guddoomiye Yaxye Sh. Cali.

Avv. Yaxye Sheekh Cali ayaa shaaca ka qaaday in dadka ku dhaqan deegaannada Galmudug ay qabeen baahiyo la xiriira dhinaca Garsoorka ka hor inta aysan furin maxkamadahaasi, wuxuuna xusay in xilligaasi ay jireen maxaabiis farabadan oo ku jiray xabsiyada oo an laheyn maxkamad qaadda kiisaskooda.

Guddoomiye Yaxye ayaa sheegay in uu qorsheeynayo sidii loo xoojin lahaa hannaanka garsoorka Galmudug, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in taasi uu ku geeleysan doono maaddaama sida uu tilmaamay in dadka reer Galmudug ay u bisilyihiin helitaanka garsoor ku dhisan Caddaalad sal adag.

Dhinaca kale guddoomiye Yaxye ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug iney kala shaqeeyaan hirgelinta hannaan garsoor oo ku dhisan caddaalad, isagoo ballanqaaday iney ka go’antahay hagaajinta nidaamka Garsoorka Galmudug.

Avv. Yaxye Sheekh Cali ayaa muddo dheer ka soo shaqeeyay maxkamadaha kala duwan ee dalka , wuxuuna ka mid aha ururka Qareennada Soomaaliyeed, isagoo ah qoraa sare oo lagu xusuusto qorista kutub kala duwan oo xambaarsan macluumaad faa’iidooyin badan u leh bulshada Soomaaliyeed.

Previous Post

Dhageyso: Barnaamijka kulanka todobaadka oo uu marti ku ahaa R/wasaare Kheyrre

Next Post

DAAWO: Ra’iisul Wasaare Kheyrre oo ka hadlay xaaladda dalka uu marayo iyo arrimo kale

Next Post
DAAWO: Ra’iisul Wasaare Kheyrre oo ka hadlay xaaladda dalka uu marayo iyo arrimo kale

DAAWO: Ra'iisul Wasaare Kheyrre oo ka hadlay xaaladda dalka uu marayo iyo arrimo kale

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
0

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa saakay si...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

March 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta munaasabadda Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In