Saturday, June 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlay doorka dhallinyarada ee Nabadda oo lagu qabtay Koonfur Afrika

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlay doorka dhallinyarada ee Nabadda oo lagu qabtay Koonfur Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhallinyarada Soomaalida ee ku nool dalka South Africa ayaa kulan afur ah u sameeyay waxgaradka iyo aqoonyahanada Soomaalida ee ku nool magaalada Johannesburg.

Kulanka afurka waxaa soo qaban qaabiyay ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika ayaa habeenkiii xalay ahaa, waxa uu ka dhacay magaalada Johannesburg gaar ahaana xaafada Mayfair, waxaana kasoo qeybgalay waxgarad kala duwan oo ka mid yihiin aqoonyahano iyo waliba guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Banaadir Cali Maxamed Cali “Ugaas Cali”.

Related posts

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026

Kulanka ayaa ujeedkiisa ahaa sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada xaaladaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada tuulooyinka ah iyo waliba dilalka iyo dhibaatooyinka ay dhaxdooda isku geystaan.

Ku-xigeenka Guddoomiyaha dhallinyarada Mudane Cabdullaahi Cabdi Xasan “Xarbi” ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in kulamada ay ahaayeen kuwa maalmahii lasoo dhaafay ay la yeelanayeen qeybaha kala duwan ee bulshada sidii iskaashi iyo wadajir ah loo wada yeelan lahaa arimo badan oo horyaala dhallinyarada.

Prof Cabduqaadir Cigaal oo barre ka ah mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaala magaalada Johannesburg iyo Ugaas Cali Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka banaadir ayaa ugu baaqay dhallinyarada in buuxiyaan doorkii ay qaateen dhallinyaradii SYL, ayaga oo waxgaradkana ugu baaqay in laga faa’iideysto awoodda dhallinyarada.

Ugu Dambeyn Guddoomiyaha Dhallinyarada South Afrika Maxamed Cumar Talyaani ayaa sheegay in Ururka Dhallinyarada uu diyaar u yahay in wax laga qabto dhibaatooyinka dhallinyarada Soomaalida ku heysta gudaha dalka South Africa.

 

C/laahi Maxamuud Amiin.

C/laahi Qorshe

Johannesburg -South Africa

Previous Post

Wasiirka Amniga iyo xubno Wasiiro ah oo xalay kormeeray baraha ciidamada ee ku yaala caasimadda

Next Post

R.Wasaareyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya oo yeeshay kulan looga hadlayey Xoojinta xiriirka labada dal “SAWIRRO”

Next Post
R.Wasaareyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya oo yeeshay kulan looga hadlayey Xoojinta xiriirka labada dal “SAWIRRO”

R.Wasaareyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya oo yeeshay kulan looga hadlayey Xoojinta xiriirka labada dal "SAWIRRO"

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
0

Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In