Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo la kulmay Hobalada Waaberi-Sawiro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo la kulmay Hobalada Waaberi-Sawiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 Mudane Mahdi Max’ed Guuleed Khadar ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya oo ay wehliyaan wasiirada maaliyaddda, warfaafinta iyo agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta ayaa kormeerey xarunta fanaaniinta qaranka ee Waaberi oo ku taala magaalaad Muqdisho.

Hobalada qaranka Waabari ayaa waxaa ay soo bandhigeen suugan ka tarjumaysa ahmiyadda ay leedahay wadaniyadda,  sugidda amniga,la dagaalanka musuqa  iyo qabyaalada oo aywaddo Xuukumadda.

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

Maareyaha Golaha  murtida iyo madadaalada Abwaan Cabdi Dhuux ayaa sheegay in kormeerka uu xarunta kmg ay ku shaqeeyaan uu ku yimid ra’iisul wasaare kuxigeenka ay tahay mid dhiiro gelinaysa howlahoodi shaqo.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Cabdiraxmaan Sh. Yuusuf Al-Cadaala ayaa tilmayay in Dowr  muuqda ay ka qaateen Hobalada jiheynta dadka Somaaliyeed islamarkaana ugu baaqay Dowladda in ay ka faa”iideysato kaalinta Hobolada Waaberi ay ka qaadan karaan wacyigelinta bulshada.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisiow) Ayaa sheegay in fanaaniinta ay wadaan wacyigelin  ku saabsan hortaminta barnaamijka Dowlada , waxaa uu sidoo kale ku booriayay in ay sii wadaan howlaha ay u hayaan bulshada.

Ugu dambeyn ra”iisal Wasaare ku_xigeenka Xukuumadda  Mudane Mahdi Maxamed Guuled (Khadar )ayaa  balan qaaday in Dowlada Federaalka  ay si dhow ah ay ugu  warqabto fanananiinta isagoo  Hobalada u jeediyay in ay labo jibaaran hagidda dadka bulshada Soomaaliyeed.

Talaabadan ayaa waxaa ay qeyb ka tahay wacyagalinta Bulshada Somaaliyeed ee dhinac fanka iyo suuganta si bulshada Soomaaliyeed looga wacyageliyo  dhibaatada ay leedahay qabyaalada musuq maasuqa,iyo fikiradaha qaldan ee kooxda nabad diidka Shabaab.

Previous Post

Wasaaradda waxbarashada oo dugsi ka furtay Cadale

Next Post

In ka badan 100 maxaabiis ah oo goor dhow laga soo dejiyay garoonka Muqdisho

Next Post
In ka badan 100 maxaabiis ah oo goor dhow laga soo dejiyay garoonka Muqdisho

In ka badan 100 maxaabiis ah oo goor dhow laga soo dejiyay garoonka Muqdisho

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In