Wednesday, April 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo Xafiiska ku qaabilay Saraakiil ka socotay UNSOM

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo Xafiiska ku qaabilay Saraakiil ka socotay UNSOM
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

In ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta oo howlgallo lagu dilay

April 21, 2026
Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

April 21, 2026

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socdey hay’adda UNSOM Soomaaliya oo uu hogaaminayey Mr. Simon West oo ah la-taliyaha guud ee  dhinaca amniga UNSOM Soomaliya.

Kulankani ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey taliyaha ciidanka Booliska Puntland Cabdiqaadir Shire Faarax Ereg, waxaana kulanka lagaga wada hadlayey arrimo la xidhiidha isku dhafka ciidamada Soomaaliya.

Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland ayaa ugu horayn masuuliyiintani kusoo dhoweeyey xafiiskiisa, waxaana uu u xaqiijiyey in maamulka Puntland hormuud u ahayd dhaaqjinta fekerka  isku dhafka ciidamada Soomaaliya, isla markaana ay weli diyaar u tahay sidii looga gun-gaadhilahaa qorshaha qaran ee laga yeeshay isku dhafka ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa masuuliyiintani u cadeeyey in ay ka go’antahay sidii loo heli lahaa ciidan qaran oo isku dhaf ah, kuwaasi oo ka kala yimid dhammaan dawladdaha xubnaha ka ah  Soomaaliya iyo DFS, isla markaana leh sumad Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Madaxwenaha ayaa xaqiijiyey in ciidan kaasi qaran ahaan doono sida qorshuhu yahay mid wax weyn ka bedelidoona marxaladda ay maanta ku jirto Soomaaliya, isla mar’ahaantaana u horseedi doona shacabka Soomaaliyeed nabad iyo nolol.

Ugu danbayntii, madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay Madaxda Soomaaliyed in xilgaara lasyka saaro dhismaha ciidan qaran oo sumad Soomaaliyeed leh, wadaniyadana, ka shaqeeya danaha Diintooda,  dalkooda iyo dadkoodaba, isla markaana ay ka go’antahay sidii ay dalkooda uga difaaci lahaayeen cadawga tabarta yar ee Al-shabaab.

Previous Post

Golaha Shacabka oo Aqbalay Raali Galin uu bixiyay Wasiirka Dastuurka

Next Post

Wasiirka haweenka oo sheegtay in la bilaabay araaji qabashada guddiga xuquuqul insaanka qaranka

Next Post
Wasiirka haweenka oo sheegtay in la bilaabay araaji qabashada guddiga xuquuqul insaanka qaranka

Wasiirka haweenka oo sheegtay in la bilaabay araaji qabashada guddiga xuquuqul insaanka qaranka

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

In ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta oo howlgallo lagu dilay

April 21, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu dilay in ka badan...

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

April 21, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu dadweynaha ku wargelinayaa in xogta rasmiga ah ee la xiriirta howlaha baarista, hantidhowrista,...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

April 21, 2026
0

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga ugu gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kirgistaan, Mudane Sadyr Japarov, isagoo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

April 21, 2026
0

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In