Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo Faray Xukuummadda in ay Dabagal ku Samayso Qorshayaashii ay Isku Soo Afgarteen Dowladda Masar

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo Faray Xukuummadda in ay Dabagal ku Samayso Qorshayaashii ay Isku Soo Afgarteen Dowladda Masar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Muqdisho, Ogosto 22, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuummadda in ay dabagal ku samayso sidii looga mira dhalin lahaa qorshayaashii ay isku soo afgarteen dowladda Masar.

Madaxweynaha oo shir Jaraa’id ku qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ayaa sheegay in booqashada uu ku tagay dalka Masar ay ahayd mid mira dhal ah taasoo ka turjumeysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey arrimaha ugu muhiimsan ee ay isku soo af-garteen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdi Fataax Al-Siisi oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada dal, kordhinta deeqaha waxbarasho, tababarrada iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo horumarinta arrimaha dhaqaalaha.

Waxyaabaha kale ee isafgaradka laga gaaray waxaa kamid ah horumarinta ganacasiga, maalgalisha beeraha, kalluumeysiga, xoolaha iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo dal ku galka Masar.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan u direysa dalka Masar saraakiil gaaraya 15 oo ka tirsan Ciidanka Booliska kuwaas oo bilow u ah qorshaha dowladda Masar ay kaga qeyb qaadaneyso tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir

Cabdinuur Maxamed Axmed 
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, 
Xafiiska Madaxweynaha JFS 
E-mail: [email protected]

Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/ 
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/ 
Twitter: @TheVillaSomalia

Previous Post

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Dalka

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In