Monday, February 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faahfaahinta qaraxii galabta ka dhacay Muqdisho

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Faahfaahinta qaraxii galabta ka dhacay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afar qof oo labo kamid ah ay shacab yihiin ayaa ku dhawaacantay qarax galabta ka dhacay waddada mashquulka badan ee Maka almukarama  gaar ahaan meesha loo yaqaano Garaasha Xaaji Baasto kaas oo saraakiisha amniga ku sheegeen in uu ahaa gaari la dhigay waddada dhinaceeda.

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed gaashanle sare Qaasim Axmed Rooble oo saxaafadda kula hadlay halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in gaarigan ciidanka ka war heleen isla markaana waddada la xirey dadkana laga fogeeyay goobta uu yiiley gaariga qarxay.

Related posts

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo qalabka diiwaangelinta gaarsiiyay Matabaan

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo qalabka diiwaangelinta gaarsiiyay Matabaan

February 16, 2026
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulan wadatashi ah

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulan wadatashi ah

February 16, 2026

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in labo qof oo shacabka iyo labo askari oo booliiska ka tirsan ay ku dhaawacmeen.

Goobaha ganacsi ee ka ag dhow meesha uu qaraxa ka dhacay ayaa burbur uu soo gaaray, waxayna saraakiisha amnigu sheegeen in ay ka hortageen khasaare intaan ka badan oo uu geysan lahaa qaraxan.

Ciidanka amniga Soomaaliya ayaa howlgalo ammaanka magaalada Muqdisho lagu sugayo waday muddooyinkan dambe waxayna taasi keentay in ciidanka ka hor tagaan isla markaana fashiliyaan qaraxyo dhowr ah.

Previous Post

Ciraaq oo sheegtay in Ciidda ka hor ay Xoreyn doonto magaalada Talcafar.

Next Post

Madaxweyihii hore oo kulan la yeeshay jaaliyadda Soomaaliya ee K. Afrika-Sawirro

Next Post
Madaxweyihii hore oo kulan la yeeshay jaaliyadda Soomaaliya ee K. Afrika-Sawirro

Madaxweyihii hore oo kulan la yeeshay jaaliyadda Soomaaliya ee K. Afrika-Sawirro

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo qalabka diiwaangelinta gaarsiiyay Matabaan

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo qalabka diiwaangelinta gaarsiiyay Matabaan

February 16, 2026
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Matabaan, Gobolka Hiiraan gaarsiiyey qalabka diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si halkaasi...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulan wadatashi ah

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulan wadatashi ah

February 16, 2026
0

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa qabatay kulan wadatashi hal maalin ah si dib-u-eegis iyo talooyin looga helo qabyo-qoraalka Xeer-Nidaamiyaha Ilaalinta...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Addis Ababa kula kulmay Claver Gatete

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Addis Ababa kula kulmay Claver Gatete

February 16, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Mudane Claver...

Soomaaliya iyo Tanzania oo kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad oo ku Saabsan Arrimaha Socdaalka Labada Dal

Soomaaliya iyo Tanzania oo kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad oo ku Saabsan Arrimaha Socdaalka Labada Dal

February 16, 2026
0

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Midowga ee Tanzania ayaa kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In