Tuesday, September 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Japan oo ka qeylo dhaamisay Gantaal ay Kuuriyada Waqooyi Dulmarisay Dhulkeeda.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 29, 2017
in Wararka
0
Japan oo ka qeylo dhaamisay Gantaal ay Kuuriyada Waqooyi Dulmarisay Dhulkeeda.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xili uu jiro cadaadis caalami ah oo ku wajahan Xukuumadda Pyongyang ee kuuriyadda Waqooyi, ayaa lagu soo waramaya in ay Kuuriyada Waqooyi ay weli ku taamayso horumarinta Gantaaladeeda ridadad Dheere.

Gantaal hor leh ayaa  Dowladda Kuuriyada Waqooyi markale tibaasiya xalay gelinkii dambe kaasi oo dulmaray Dalka Japan islamarkaana la sheegay in uu ku dhacay badda.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Turkiga

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Turkiga

September 15, 2025
Dardargelinta mashruuca SHIIP oo laga hadlay

Dardargelinta mashruuca SHIIP oo laga hadlay

September 15, 2025

Ra’iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe, ayaa ku tilmaamay gantaalkaa la dul mariyey dalkiisa khatar “aan hore loo arag”.

Ciidamada Dowladda Jabaan oo heegan ku jiray ayaan isku dayin in ay soo ridaan Gantaalkaasi, oo Xukuumadda Tokyo ay walaac xoogan ka muujisay.

Waa markii ugu horeysay oo Dalka Jabaan uu si toos ah u dulmaro Gantaal ay soo ridday Kuuriyada Waqooyi tan iyo markii ay sare u qaaday taijaabada Gantaalada Ridada dheer.

Gantaalkan la riday markii uu dul maray Japan waxa markiiba fariimaha digniinaha ah diray raadaallada dalkaas, hase yeeshee warbaahinta Dowladda Jabaan   ayaa sheegtay in aanu wax khasaare ahi dhicin.

Dowladda Japan iyo qaar ka mid ah wadamada ka soo horjeeda Gantaalada Waqooyi Kuuriya ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee QM in ay kulan deg deg ah ay ka yeeshaan talaabooyinkan ay ku dhaqaaqeyso Xukuumadda Pyongyang.

Ra’iisul wasaaraha Dalkaasi Japan Mr  Abe ayaa gantaalkan loo ganay xaga dalkiisa ku tilmaamay “fal laga caroodo ” iyo in uu yahay “khatar halis ah oo aan hore u dhicin taas oo dhaawacaysa nabada iyo nabadgelyada gobolka”. Waxaan intaa ku daray in xukuumadiisu qaadayso wax kasta oo ay nolosha shacabka ku ilaalinayso.

Todobaadkii hore ayaa Kuuriyada Waqooyi waxaa ay tijaabisay Gantaalo dhowr ah, balse waxay militariga Mareykanku ay ku sheegeen in ay ahaayeen kuwo aan ridadooda dheereen.

Previous Post

Wasaaradda arrimaha dibadda oo qabatay kulan logu duceynayay Marxuum C/raxmaan Jaamac Barre

Next Post

Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Baaq u jeediyey Reer Galinsoor balanqaadna u sameeyey (Dhageyso).

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Gaalkacyo

Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Baaq u jeediyey Reer Galinsoor balanqaadna u sameeyey (Dhageyso).

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Turkiga

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Turkiga

September 15, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalaya Shirwaynaha Dowladaha Carabta iyo Islaamka ee ka socda magaalada...

Dardargelinta mashruuca SHIIP oo laga hadlay

Dardargelinta mashruuca SHIIP oo laga hadlay

September 15, 2025
0

Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta ayaa maanta lagu qabtay kulanka bilaha ah ee u dhexeeya Wasiirka Wasaaradda iyo hawl-wadeenada...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku soo bandhigay Shirka Carabta mowqifka Soomaaliya ee ka dhan ah xadgudubyada Israa’iil ee dalalka Carabta

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku soo bandhigay Shirka Carabta mowqifka Soomaaliya ee ka dhan ah xadgudubyada Israa’iil ee dalalka Carabta

September 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey shir-madaxeedka degdegga ah Dowladaha Carabta iyo Islaamka oo...

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

September 15, 2025
0

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo ay soo agaasintay Hay’adda Taya-dhawrka Qaranka.   Shirkan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In