Thursday, September 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Galmudug ”Magaalada Dhuusomareeb waxaan ku tagaynaa qaab nabadeed dhawaan”+Dhageyso

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 30, 2017
in Wararka
0
Galmudug ”Magaalada Dhuusomareeb waxaan ku tagaynaa qaab nabadeed dhawaan”+Dhageyso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧-𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟓)

𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧-𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟓)

September 17, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

September 17, 2025

Mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay ay soconayaan qorshayaal isugu jira sidii amni loogu soo dabaali lahaa deegaanada Galmdug iyo xoojinta arrimaha dib u heshiisiinta si loogu guuleysto hadafka uu maamulkaasi uu hoogsanayo.

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmduug oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay amniga guud, iyo wax uu maamulka ka damacsanyahay sidii loo wajihi lahaa arrimahaasi, xili weli ay jirto tabashooyin ay qabaan maamulka Ahlusuna Waljamaaca ee Gobolada Dhexe ee dalka.

Cusmaan Ciise Nuur(Taardhuleed) oo ah wasiirka Amniga Gakmudg ayaa ugu horeyn waxaa uu ka hadlay dagaalo dhawaan ka dhacay deegaano katirsan Gobolka Galgaduud,isagoo xusay in ciidamada Galmudug aysan wax lug ah ku lahayn dagaaladaasi.

“Waad ogtihiin muddo 3 bilaad ku dhow waxaa dagaalo ay ka dhacayeen deegaano katirsan Galmudug,sida Xeraale, dad badan ayaa ku dhintay, kuwo kale waa ay barakeceen,weli deegaanadii waa cidlo, maamulka Galmudug waxaa uu wadaa dadaalo ku aadan sidii gar gaar loo gaarsiin lahaa dadkaasi”, Ayuu yir Wasiirka Amniga Galmudug.

Wasiirka Amniga Galmudug ayaa sheegay in amniga aan la sugi Karin ilaa wada hadal lagu dhameeyo cidkasta oo tabashooyin qabta.

“Waxaa inoo qorsheysan ka wasaarada ahaan in aan sugno amniga dhamaan deeganaada Galmudug,Maamulka Galmudug hadafkiisu waxaa uu yahay in waxkasta wada hadal lagu dhameeyo, si amniga loo sugu, waad ogtihiin Al-shabab waxaa ay joogaan deegaano badan, Magaalada Dhuuso Mareeb in latago waxay muhiim u tahay in laga guuleysto SHabaab, waxaana qorshaha uu yahay in wada hadalnabadeed aan halkaasi ku tago”, Ayuu intaasi sii raaciyay Wasiir (Taar-Dhuleed).

Madaxweynaha Dwoald Goboleedka Galmudug ayaa dhawaan sheegay in ay doonayaan in wada hadal lagu dhameeyo tabashooyinka ay qabaan Ahlusuna Waljamaaca,islamarkaan maamulka uu noqon doono mid loo dhan yahay.

Halkan hoose ka dhageyso hadalka Taardhuleed 

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2017/08/Cusmaan-Ciise-Nuur-Taardhuleed-.mp3
Previous Post

Madaxweynaha: “Anigu waxaan diyaar u ahay inaan billaabo wadahadallo dhab ah”Dhageyso

Next Post

Madaxweynaha K/Galbeed oo tababar u furay Askar ka tirsan laamaha Ammaanka

Next Post
Madaxweynaha K/Galbeed oo tababar u furay Askar ka tirsan laamaha Ammaanka

Madaxweynaha K/Galbeed oo tababar u furay Askar ka tirsan laamaha Ammaanka

𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧-𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟓)

𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧-𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟓)

September 17, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday qaybta ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

September 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

September 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi, ayaa kulan la qaatay Madaxa U Adkeysiga Afooyinka ee Midowga Yurub,...

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

September 17, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, iyo Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka wada hadlay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In