Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sawirro+Ra’iisul Wasaare Khayre oo maanta khudbad jeedin doona iyo kulamo uu la yeeshey madaxda Wadamada Ciidamadooda Jooga Soomaaliya

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Sawirro+Ra’iisul Wasaare Khayre oo maanta khudbad jeedin doona iyo kulamo uu la yeeshey madaxda Wadamada Ciidamadooda Jooga Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta la filayaa in uu khudbad dhinacyo badan taabanaysa uu ka jeediyo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey kaasi oo haatan ka soconaya magaalada Newyorka ee Mareykanka.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu khudbadiisa uu ku soo bandhigo xaaladda Soomaaliya, dhinacyada Ammaanka,siyaasadda Dhaqaalaha iyo arrimaha bani,aadanimada,isagoo taageero weydiisan donna beesha Caalamka oo shirkaasi ku sugan.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Dhanka kale Kulan saxaafadda loo diiday ayuu Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Kheyre iyo wafdigiisa la qaateen madax ka socota wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo sida xubnaha dowladu noo xaqiijiyeen ka wada hadlay arrimo la xariira Xoojinta xariirka wadamadaas ay la leeyihiin Soomaaliya, Horumarinta howlgalada ka dhanka ah Nabad diidka iyo sidii loo heli lahaa ciidamo Soomaaliyeed oo la wareega amniga dalkooda.

Madaxdii ay la kulmeen wafuudda dowladda Soomaaliya waxa ay qireen in Soomaaliya ay ka soo kabanayso xaaladihii adkaa ee ay soo martay isla markaana uu muuqanayo isbedal dhaxal gal ah, iyaga oo balan qaaday in ay is garab taagi doonaan dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare oo ka hadlay shir ay hoggaaminayeen dowladaha Soomaaliya,UK, Talyaaniga, iyo Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay dowladdiisu ay muhiim u tahay kaalinta ay beesha caalamku kaga jirto soo celinta ammaanka iyo xasilooni dhab ah oo Soomaaliya ka dhacda, hase ahaatee ay xukuumaddiisu xoogga saarayso sidii ay u kobcin lahayd dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo in ay u furantahay Soomaaliya Maalgashi caalami ah.

Shirarkii uu Ra’iisul Wasaare Khayre ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa shir looga hadlayay Abaaraha iyo ka hortaga misiibooyinka dabiiciga ah, waxa uuna ka sheegay in Hay’adaha samafalka qaarkood ay sheegaan in aysan ka howlgalikarin ama tagi karin Soomaaliya  khataro dhinaca ammaanka ah oo jira awgood, Taas oo uu ku tilmaamay mid ka hor imaanaysa in la samafalo malaayiin dad ah oo u bahan taageero dhab ah.

Waxa uu xusay in xaaladda Soomaaliya ay dhinacyo badan ka soo kabanayso  gaar ahaana amniga, loona baahanyahay in aan isha laga fiirsan.

Previous Post

Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee Dawladda dhexe iyo D/Goboleedyada oo kulmay+Sawirro

Next Post

Madaxweyne Waare Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timid Guddoomiye Ku Xigeenki Beledweyne Bashiir Dhoorre

Next Post
Madaxweyne Waare Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timid Guddoomiye Ku Xigeenki Beledweyne Bashiir Dhoorre

Madaxweyne Waare Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timid Guddoomiye Ku Xigeenki Beledweyne Bashiir Dhoorre

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In