Wednesday, January 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Gaadiidka oo ku guuleysatay inay la soo wareegto maamulka Hawada Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Dhageyso: Qeyb kamid ah qalabka maamulka Hawada Soomaaliya oo maanta xariga laga jaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo maanta marti ku ahaa Barnaamij kulanka Todobaadka Jimcaha ee ka baxa Radio Muqdisho (Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya) & Telefishinka Qaranka (SNTV) ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira howlaha ay qabato Wasaaradda.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in muddada kooban ay joogaan xafiiska waxyaabo badan ay u qabsoomeen, isla markaana kuwo oo kale oo muhiim ay u harsanyihiin.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

January 14, 2026
Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

January 14, 2026

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in waxyaabaha ay diirada saareen ay ka mid tahay sidii ay ula soo wareegi lahaayeen maamulka Hawada Soomaaliya oo mudo ka badan 20-sano laga maamulayay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

“Maamulka gacanta ku haya hawada Soomaaliya waxaan isla garanay inay nagu soo wareejiyaan, maadaama aan rakibnay qalibka, waxaa jira tababbaro la siinayo shaqaalaha howshan noo qabanayo, sidoo kale waxaa jirta shaqaaale ajaanib ah oo howshan waday, iyaguna waan isla fahanay inaan xamar u soo guuraan oo aan ka faa”iideysano” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay in lagu guuleystay mideynta taargada gaadiidka ka howlgallaya guud ahaan gobollada dalka, kaddib kulan uu la qaatay Wasiirada Gaadiidka ee dowlad goboleedyada, kuwaasi oo ay isla meel dhigeen in la mideeyo taargooyinka la siinayo gaadiidka, si loola socda dhaq dhaqaaqyadooda.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Isu soo bax lagu taageerayay dowladda oo ka dhacay Garbahaareey

Next Post
Isu soo bax lagu taageerayay dowladda oo ka dhacay Garbahaareey

Isu soo bax lagu taageerayay dowladda oo ka dhacay Garbahaareey

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

January 14, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta guddoomiyay shir amni oo ka dhacay magaalada Laascaanood. Shirka...

Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

January 14, 2026
0

Boqolaal shacab ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, iyagoo muujinayay dareenkooda ka dhanka ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

January 14, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir muhiim ah oo u...

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

January 13, 2026
0

Magaalada Ankara ayaa lagu qabtay munaasabad lagu saxiixayay hirgelinta heshiiskii iskaashiga (MoU – June 2016) ee u dhexeeyay Wasaaradda Shaqada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In