Thursday, March 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Gaadiidka oo ku guuleysatay inay la soo wareegto maamulka Hawada Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Dhageyso: Qeyb kamid ah qalabka maamulka Hawada Soomaaliya oo maanta xariga laga jaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo maanta marti ku ahaa Barnaamij kulanka Todobaadka Jimcaha ee ka baxa Radio Muqdisho (Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya) & Telefishinka Qaranka (SNTV) ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira howlaha ay qabato Wasaaradda.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in muddada kooban ay joogaan xafiiska waxyaabo badan ay u qabsoomeen, isla markaana kuwo oo kale oo muhiim ay u harsanyihiin.

Related posts

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

March 19, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

March 19, 2026

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in waxyaabaha ay diirada saareen ay ka mid tahay sidii ay ula soo wareegi lahaayeen maamulka Hawada Soomaaliya oo mudo ka badan 20-sano laga maamulayay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

“Maamulka gacanta ku haya hawada Soomaaliya waxaan isla garanay inay nagu soo wareejiyaan, maadaama aan rakibnay qalibka, waxaa jira tababbaro la siinayo shaqaalaha howshan noo qabanayo, sidoo kale waxaa jirta shaqaaale ajaanib ah oo howshan waday, iyaguna waan isla fahanay inaan xamar u soo guuraan oo aan ka faa”iideysano” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay in lagu guuleystay mideynta taargada gaadiidka ka howlgallaya guud ahaan gobollada dalka, kaddib kulan uu la qaatay Wasiirada Gaadiidka ee dowlad goboleedyada, kuwaasi oo ay isla meel dhigeen in la mideeyo taargooyinka la siinayo gaadiidka, si loola socda dhaq dhaqaaqyadooda.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Isu soo bax lagu taageerayay dowladda oo ka dhacay Garbahaareey

Next Post
Isu soo bax lagu taageerayay dowladda oo ka dhacay Garbahaareey

Isu soo bax lagu taageerayay dowladda oo ka dhacay Garbahaareey

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan Munaasabadda Ciidul Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed iyo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

March 19, 2026
0

Waxa aan hambalyo ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga la wadaagayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Islaamka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

March 19, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer shaqo ugu tegay cutubyo ka tirsan ciidamada oo ku sugan...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In